Somaliland oo muwaadiniinteeda u fududaynaysa Shuruudo Boqotooyada Sucuudigu ku soo Rogtay Xujayda Soomaalida ee Sannadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka

0

xaglotoosiyeHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay u diyaarinayaan xujayda Somaliland sannadkan Xajka soo gudanaya xarumo ay ka helayaan talaalka cudurka dabaysha, ka dib markii dawladda Sucuudigu ku wargelisay xujayda ka imanaya wadamada Geeska Afrika inay iska soo talaalaan cudurkaas oo dhawaan meelo ka mid ah Soomaaliya lagu sheegay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sidan ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, isaga oo ay wehelinayeen masuuliyiinta hayโ€™adaha WHO iyo UNICEF, oo iyagu hawsha talaalka cudurka dabaysha ka caawinaya wasaaradda caafimaadka Somaliland.

ย โ€œShirkan aanu isugu nimi ee ay ka soo qaybgaleen wasaaradda caafimaadka iyo hayโ€™addaha WHO iyo UNICEF, waxa uu la xidhiidhaa wareegto ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Sucuudiga oo ay ku doonayso in xujayda ka imanaya Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya in ay iska talaalaan cudurka dabaysha, waxaanu u diyaar garoobaynaa sidii xujaydeenu u heli lahayd talaalkaas, anaga oo diyaarinayna xarumihii ay iska talaali lahaayeen iyo taalaalka laftiisii oo aaanu waydiisanay labadan hayโ€™adood ee Who iyo Unicef.โ€ Waxa uu intaas ku daray Wasiirku, โ€œSida la sheegayo lix todobaad ka hor inay iska talaalaan xujaydo inta aanay u duulin Sucuudiga waxaanan rajaynayaa in talaalkaasi bilaabmi doono todobaadkan gudihiisa inta ka horeysana la cayimi doono meelaha laga helayo, waxaan uga mahad-celinayaa la badan hayโ€™addood Who iyo Unicef oo had iyo jeer wasaaradda caafimadka la barbar taagan taageero buuxda, waa markii ugu horeysay dalka Sucuudiga inagu xidho talaalka dabaysha, talaallo kale way jiri jireen, laakiin dabaysha hadda waa kow.โ€

Wasaaradda Caafimaadka ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa soo saartay goโ€™aamo ku waajibinaya Xujaajka sannadka gudanaya Xajka ee ka tagaya waddamada Soomaaliya, Somaliland iyo Kenya inay dalalkooda isaga soo tallaalaan Cudurka halista ah ee Dabaysha isla markaana ay sitaan shahaado muujinaysa in lix todobaad ka hor ay qaateen tallaalka Cudurkaas Dabaysa, waxaana goโ€™aanka lagu sababeeyey ka dib markii ay ogaadeen in Cudurka Dabayshu (Polio) uu ka dillaacay waddamadaas.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka boqortooyada Sucuudiga oo u warramay Arab News, ayaa yidhi, โ€œXujaajtani (Soomaalida iyo Keenyaanka) waxa ku waajib ah inay sitaan Shahaaddda tallaalka dabaysha marka ay Dekedaha iyo Madaarrada ka soo degayaan oo laga hubinayo,โ€ ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray inay waajib tahay qaadashada tallaalku lix bilood ka hor wakhtiga ay dalkaas tagayaan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net