Wax ka baro Cudurka Dhiig-yaraanta (Anemia)

0
Calaamadaha Cudurka Anemia

Wellington, (SLpost)- Qormadeenna Caafimaad ee maanta waxaanu ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah xannuunada ugu saamaynta badan bulshada dalalka dunida saddexaad oo Soomaaliduna ka mid tahay. Xannuunkani waxa uu ku yimaadda dayacaad ku timaadda hannaanka maamul ee cunto-qaadashada qofka, ha yaraado ama ha weynaado’e.

Dhiig-yaraanta (Anemia) waxa sababa iyada oo tirada unugyada cas-cas eeย  dhiiggaย  oo ka yar sidii caadiga ahayd. Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jidhka oo dhan. Marka ay tirada unugyada cas-cas ee dhiigguย  yar yihiin, ogsijiin yar ayaa gaadha qaybaha jidhka. Tani waxay qofka ka yeeli kartaa mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay.

Sababaha Keena Xannuunkan
โ€ขDhibaatooyin ka yimaadda birta jidhka ku jirta ama cuntooyinka kale uu jidhku u isticmaalo
โ€ขIn aan la cunin cunto ay birtu ku badan tahay
โ€ขDhiig ka yimaada afka, hunguriga, caloosha ama xiidmaha
โ€ขDhiig ka yimaada hoosta haweeneyda ama dhiig bax badan oo caadada ka yimaada
โ€ขDhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha loโ€™da ama caanaha adhiga
โ€ขDhallaanka lagu quudiyo caano-boodhe aan lahayn bir dheeraad ah.

Calaamadaha lagu garto Xannuukan
Haddii aad qabto wax calaamadahaan ka mid ah, dhakhtarkaaga la hadal.
โ€ขDaciif ama daal dareensan tahay
โ€ขMaqaarkaaga, debnaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan
โ€ขDhibaato ku qabto si kala cad u fekeridda ama jahawareer dareensan tahay
โ€ขWar-wareer ama miyir beelid
โ€ขNeefsashada oo kugu gaabata ama feedho xanuun
โ€ขWadnaha oo si deg deg ah u garaacma
โ€ขDhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora

Daryeelkaaga Caafimaad
โ€ขDhakhtarkaagu wuxuu badhri doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kugu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada.
Daaweyntaada waxaa ku jiri kara:
โ€ขCunidda cuntooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin khudradda bisil ama qeydhin, roodhi, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.
In aad cunto cuntooyin birtu ku badan tahay sida khudradda caleenta ah, hilibka iyo digirta.
Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh.
โ€ขIn aad qaadato Bir kordhiye.
โ€ขCabidda 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin walba.
โ€ขIn lagu siiyo dhiig ku shubid si loo beddelo birta iyo dhiigga kaa lumay.
Isla markiiba Dhakhtarkaaga la hadal haddii aad:
โ€ขWareereysid markaad istaagto
โ€ขAy neefsashadu kugu gaaban tahay
Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada la hadal haddii wax suโ€™aalo ama walaac ah aad qabtid.

Somaliladnpost.net

Qormooyinka Caafimaad