Hargeysa (SLpost)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay Ciidaanka booliska ku guuleysteen gacan ku-dhigista laba nin oo maanta duhurnimadii xaafadda October Hargeysa ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Mahad Asad Cabdi.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo u warramay Wariye Mustafe Jannaale, waxa uu tafaasiil ka bixiyey dil ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo talaabadii ay qaadeen Ciidaanka boolisku.
βMaanta abaaro 2:00-duhurnimo Xaafada loo yaqaano AKTOOBER ama Ex-Libaaxyada waxa kaΒ dhacay dil loo geystey Marxuum la odhan jirey Mahad Asad Cabdi oo daβadiisu ahayd 21-jir, marka hore waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskoodii oo waxaan leeyahay ILAAHAY samir iyo iimaan ha idinka siiyo markaasi,β ayuu yidhi taliyuhu.
βLabadii nin ee geystey dilkaasi waa la qabtey,kadib markii Ciidanka boolisku hawlgal balaadhan sameeyeen ayey ku guuleysteen, waana ILAAHAY mahaddii mar haddii aanu gacanta ku soo dhignay labadii nin ee loo tuhunsan yahay inay geysteen dilkaasi, baadhitaankiina wuu ku socda labada ninβ.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal, waxaanu ku bogaadiyey hawlgalkan Ciidaankii iyo saaraakiisha booliska Somaliland ee gacanta ku soo dhigey eedeysanayaashan dilka geystey iyo weliba sida ay Ciidaanku hadh iyo habeen heeganka ugu jiraan inay umadooda amaankeeda ilaaliyaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu fariin u direy dhalinyaro uu ku sheegay inay koox koox u dagaalamaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi βDhalinyarada had iyo jeer u dagaalanta kooxaha ayaa waxaan halkan uga dirayaa fariin ah waa inay ka waantoobaan, ciddii ka waantoobi weydana waxay Ciidanka booliska Somaliland ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsanβ.
Taliye Fadal mar uu la hadlayey shacab-weynaha reer Somaliland waxa uu ka codsaday inay la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan Ciidanka booliska, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi βWaxaan halkan uga soo jeedinayaa dadweynaha reer Somaliland sidii ay horeba ula shaqeyn jireen Ciidaanka booliska ay ula shaqeeyaan oo ay si fiicana ula shaqeeyaan baabuurta ootto ootada si uu amnigoodi u sugnaado.”
SOMALILANDPOST.NET