Wasiirka Madaxtooyada oo Guddoomiye Xisbiga UCID ku tilmaamay Khaa’inul Waddan aan lagu Halleyn karin Qadiyadda Somaliland

0

Berbera (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyadda SomalilandΒ  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa ku eedeeyayΒ  Guddoomiyaha UCID inuu dalka khiyaameeyay maalintii uu London kulaΒ  Β kulmayΒ  Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ayaa ku sifeeyey ka reebida Madaxweynuhu Β Faysal Cali Waraabe ka Β reebay Gudida Wada Hadalada uga qaybgalaya Somaliland in uu yahay nin Mabd’iisu cadayn isla markaana ku tilmaamay Kha’inul Wadan. sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL ayaa Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey in uu yahay nin dantiisa gaarka ku saleeya Qadiyada Somaliland isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi ” Shalay waa la ogaa in Markii Wada Hadaladu Bilaabmeen Faysal lahaa waan ku Mudaharaadaynaa oo waa Khalad, markii lagu darayna yidhi waa sax oo waan taageersanahay, Maanta markii laga reebayna hadalo naxli ah Bulshada ku dhex abuuraya.” hadaladaas is daba marka ah oo Faysal inta badan caan ku yahay ayaa shaaca ka qaadaysa in Faysal yahay qof dantiisa uun ka hadla isla markaana iska hor iyo Dabo yimaada .

xirsiMd. Xirsi Cali Xaaji XasanΒ  oo daba socdayΒ  eedo uu shalay u jeediyayΒ  Xukuumadda Faysal Cali Waraabe oo sheegay in laga reebay Gudidii wada hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi β€œMadaxweynaha ayaa qorsheeyaΒ  Guddiyadda baxaya ee Qaranka, Madaxweynuhu waxa uu u qorsheeyay inay sadexda Gole ka qeyb galaan. Waxa maraya Golihii Xukuumadda oo ay sadex Wasiir ka marayaan. Waxa kale oo marayaΒ  Goleyaashii baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) oo ay sadex xubnood ka marayaan.”

Wasiir Xirsi waxaΒ  uu Faysal ku eedeeyay Inuu lugooyo ku ahaa socdaaladii uu hore u raacay, waxaanu ku sifeeyay mid lugooyo uun kala hadhay , isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhiΒ  β€œFaysal Taariikhdiisa waa la yaqaanaa, haddii uu na raaci jirayna lugooyo ayuu nala raaci jiray, haddiiΒ  uuΒ  naga hadhayna lugooyo ayuu nagala hadhay.”

Β β€œWaxa Macruuf ah maalintii uu khiyaameeyay wadanka waa la garanayaa, waa maalintii dhawayd ee isagoo ka mid ahaa Gudidii wada hadalada uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay London, iyadoo aanu cidna uga fasax qaadan,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo maanta magaaladda Xeebta ku taalla ee BerberaΒ  ugu waramayay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, xiliΒ  wefti uu xubin ka ahaa oo iskugu jiray Xukuumadda iyo Goleyaasha baarlamaanku ay u kicitimayeen dalka Turkiga oo lagu wado inuu todobaadka fooda inagu soo haya ay ka furmaan wajigii labaad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ugu dhex maray dalka Turkiga.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha UCIDΒ  in uu Gudidii wada hadalada uu ka baydhay mudadii ay wada-hadaladu uga socdeen Somaliland Iyo SoomaaliyaΒ  Magaaladda Istanbul Β ee wadanka Turkiga.

β€œFaysal waxa uu ahaa markii aanu Joognay IstanbuulΒ  ninka kaliya ee Guddida ka baydhay markii la lahaa Madaxweyneyaashu ha saxeexaan, waxa uu ahaa ninka kaliya ee ka baydhay Gudiyada. Mar walbana waxa uu ahaa ninka kaliya ee lahaa yaanay Madaxweyneyaashu saxeexin ee Wasiirradu ha saxeexaan, dadkana waxa uu u sheegtaa inuu wadanka ilaalinayo,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi β€œFaysal Baasaboorka uu sitaa waa baasaboor ajanabi ah, DastuurkaΒ  waxa ku taalla inaanu is sharixi Karin qof sita Baasaboor ajanabi ahi, waxa uu dhiibaa oo safaaradaha dhigaa waraaq uu leeyahay waan ka noqonayaa.kamana noqdo.”

Β β€œWaxa kuu cadaynaysa Faysal inaanu bulshadda cidna kala socon ee uu maalin walba iska hadlo oo uu iska buuqo. Waxa kuu cadaynaysa Xisbigiisii UCID la odhan jiray mee waa kaligii xisbi. Faysal Waxaanu kala garan waynay inuu Annagga (Somaliland) Nala socdo Β iyo Inuu Soomaaliya la socdo,”ayuu yidhiΒ  Β Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan

Somalilandpost.net