Dawladda Ingiriiska oo ka jawaabtay Dhawaaqa Wiil Dhalasho ahaan Dalkaas ka soo jeeda oo ku nool magaalada Hargeysa

0

News photo1Dartmouth (SLpost) – Wargays todobaadle ah oo ka soo baxa magaalada Dartmouth ee dalka Ingiriiska ayaa jimcihii horeย  boggiisa hore iyo bartiisa internet-kaba ku soo qoray maqaalย  uu kaga hadlayย  Nimcaan Brian Bowdenย  oo ah wiil ay iska dhaleenย  aabbe Ingiriis ah iyo hooyo Somaliland ka soo jeedaa ooย  ku nool Hargeysa.

Wiilkan oo sidaย  Wargayskaas iyo saxaafadda kale ee Somalilandba waxka qoreen ayuu aabbihiiย  Brian Bowden yimi Somaliland 1958, kana soo shaqeeyay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana ugu dambayntii lagu dilay Muqdisho 1991-kii isagoo markaas ka shaqaynayayย  Safaaraddii Ingiriiska ee Muqdisho kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa qofki kali ahaa ee Ingiriiska kaga hadhsanaa Somaliya markii uu dagaalku ka qarxay Muqdisho iyo Dawladdi Siyaad Barre-na dhacday.

Hadaba Nimcaan Brian Bowden oo sidoo kale hooyadii geeriyootay isagoo yar 1994-kii, kuna soo koray nolol qallafsanย  oo dayacย  iyo darxumo badan ayaa illaa horraantii sannadka 2013 ayย  si mutadawacnimo ah uga shaqaynayeen xubno ka tirsanย  Qurbajoogga Somaliland, shakhsiyaad ay aabbihii saaxiibbo ahaayeen iyo mutadawaciin kale oo dalka jooga iyagoo gaar ahaan ku dadaalay inay codkiisa la maqlo, lana xidhiidhayย  hayโ€™ado badan oo ka tirsan dawladda Britain.

Inkasta oo saxaafadda Somaliland ee madaxabannaan sida Somalilandpress,ย  Horn Cable TV, Bulaxaarnews iyo laamo kale ay runtii aad uga qaybqaateen in qadiyaddiisa la oggolaado, waxana hadana markii u horraysayย  meelo badan oo dalka Ingiriiska ah laga ogaadayย  qadiyadda Nimcaanย  markii uu Wargayskaย  Dartmouth Chronicleย  uu maqaal dheer oo xaqiiqooyin iyo xiqashooyin badan oo taariikhdiiย  Brian Bowden iyo xaaladda nolosha Brian Bowdenย  ka qorayย  jimcihii hore.

Tifaftire ku xigeenka Wargayska Dartmouthย  Stuart Nutell oo runtii isku hawlay inuu dhinacyo badan oo kala duwan kala xidhiidho arrinta wiilkan British-Somalilander-ka ah ayaa markaleย  Jimcaha maantaย  maqaal kale ka qoray arrinta Nimcaan Brian Bowden.

Wargayska ayaa sheegay in Safiirka dhawaan loo soo magacaabay Somaliya ee dawladda Britainย  uu sheegay inuu u kuur galayo arrinta ku saabsanย  wiilka uu dhalay nin ka soo jeedaa magaaladaas Dartmouth oo Hargeysa ku nool

Nigen Wigan oo bilawgii todobaadkan uun shaqada danjirenimo bilaabay ayaa isagoo ka jawaabayaย  Email uu Wargayska Dartmouth u qoray sheegay in arrant wiilkan lagu wargeliyay isagoo aan shaqadaba bilaabin markiiย  ay sheekadani ku soo baxdayย  Wargayska Dartmouth todobaadkii hore.

Safiirka Britain ee Somaliya Nigen Wigan ayaaย  sheegay inuu kala tashanayo shaqaalaha gudaha ee safaaradda si uu wararkan ugu dambeeyayย  ee Nimcaan Brian Bowden wax uga ogaado.

Maqaalka dambe ee Wariye Stuart Nutell ee Wargayska Dartmouth maanta ka qorayย  Nimcaan Brian Bowden oo dheeraa, dhinacyo kala duwan oo muhiim ahna uu wariyuhuย  la xidhiidhiyay maqaalkan, waxa hadana xusid mudan in dhawaaqa ka soo baxayย  Safiirka Ingiriiska eeย  Somaliya u jawaab u noqon karo codsigaย  Nimcaan Brian Bowden uu kaga dalbanayo Dawladda Ingiriiska in la siiyoย  sharciga dhalashada Britainย  isaga iyo xaaskiisa taasoo uu xaq u leeyahay.

Wariyaha maqaalkan maanta qoray ee Wargayskaย  Dartmouth oo magaciisa la yidhaahoย  Stuart Nutall wuxu ka codsaday cidkasta oo waxka og ama ka ogaydย  Brian Bowdenย ย  inayย  kala soo xidhiidhaanย  Wariyaha oo cinwaannadan leh ย ย ย If you knew Brian Bowden, please email stuart.nuttall@ tindlenews.co.uk or telephone 01548 856353.ย 

For reading more of the article please follow the link below

http://www.dartmouth-today.co.uk/