Madaxweyne Siilaanyo oo soo Saaray Xeer uu Waaxda Dayactirka Waddooyinka ee Wasaaradda Hawlaha Guud ku hoos Geeyey Wasaaradda Madaxtooyada

0

madaxweyne-siilaanyo3Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa soo saaray Xeer uu Wasaaradda Hawlaha Guud kaga hoos saaray Waaxda Dayac-tirka ee Waddooyinka, isla markaana uu waaxdan ku hoos-geeyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos tagta Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.

Waxa sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan: โ€œMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1772/062013, uuย  waaxda Dayactirka Waddooyinka ooย  hore uga mid ahayd Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan uu madaxweynuhu hoos-geeyey Wakaallada Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency-RDA).

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:ย ย ย  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Dersay:ย  Baahida loo qabo horumarinta, dhisidda, dayactirka iyo qorshaynta Wadooyinka cusub ee isku xidha Magaalooyinka;

Markuu Tix-geliyay:ย ย ย ย  Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha dalka JSL;

Isagoo Maanka Ku Haya:ย  Dib-u-habaynta, Horumarinta Hayโ€™adda Wadooyinku in ay Qaranka muhiim u tahay;

Wuxuu soo Saaray

Xeerkan oo laga bilaabo taariikhda maanta uu ku hoos-geeyey Dayactirka Waddooyinka, Wakaallada Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency-RDA).โ€

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa digreetooyin uu soo saaray horraantii sannadkan, waxa uu ku tirtiray dhismaha hayโ€™addii Waddooyinka iyo Guddidii Horumarinta Waddooyinka, isaga oo Abuuray Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo uu hoosgeeyey Wasaaradda Madaxtooyada.

Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkiisaas ku sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud Qaabilsanaan doonto dayac-tirka Waddooyinka oo kharashaadkooda lagu fulinayo uga soo baxa boqolkiiba inta ay ku leedahay Cashuuraha waddo-marista, haseyeeshee, Xeerkan madaxweyne Siilaanyo caawa soo saaray, ayaa burinaya digreetadaas uu hore wasaaradda hawlaha guud ugu negaadiyey Waaxda Dayactirka Waddooyinka.

SOMALILANDPOST.NET