Hargeisa (SLpost)- Gantaal ilaa hadda aan la xaqiijin cida soo riday, ayaa ku qarxay deegaanada dhinaca woqooyi ee wadanka Israaβiil.
Wararka laga helayo dadka degan xuduuda labada wadan ayaa sheegaya in gantaalku ka yimid dhinaca magaalada Marjayoun ee wadanka Lubnaan oo ku beegan jihada woqooyi ee wadanka Israaβii.
Ilaa hadda ma cada goobta rasmiga ah ee uu qabsaday gantaalku iyo khasaaraha uu geystay midna.
Dhawaaqa qaraxa gantaalka ayaa laga maqlayay deegaano 10 kilomitir masaafadeedu tahay, siday wakaalada Reuters u xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo saraakiisha amniga ee labada wadan.
Gudoomiyaha golle goboleedka magaalada Metula oo dhacda , woqooyiga Israβil, oo magaciisa la yidhaahdo, Herzl Boker, ayaa u sheegay jariidada Maariv newspaper in dadka koonfurta magaalad Metula ay maqleen qaraxa gantaalkan.
βWali maanaan furin goobihii kaydka hubka , laakiin waxa ku jirnaa heegan,βΒ ayuu yidhi Boker.
Wakaalada wararka qaranka Lubnaana waxay tilmaantay inaan la garanayn cida riday gantaalka.
SOMALILANDPOST.NET