Yangon (SLPost)- Muslimiinta ku nool gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, ayaa lagu soo rogay amar ah inaanay dhalikarin wax ka badan laba caruur keliya, taas ah oo ah siyaasad aan lagu dabakhayn qoysaska gaalada ee Budhiska haysta.
Maamulka gobolkaas ayaa shalay cadeeyey in siyaasadan cusub lagu fulin doono laba magaalo oo xad la leh dalka Bangladesh, ee ugu muslimiinta badan, kuwaas oo kala ah Buthidaung iyo Maundaw oo dadka ku nool boqolkiiba 95% muslim yahay.
Amarkan la yaabka ayaa ka dhigaya dalka Myanmar, dalka keliya aduunka ee gaar bulsho sabab diintooda awgeed loo saaro, taasoo la filayo inay sii huriso dhaleecaynta muslimiinta ooh ore loogu cadaadin jiray dalkaa inta badan dadka diinta Budhiska haysta ee gaaladu ku badnaayeen
Dalka Shiinaha ayaa hore u lahaa siyaasad ah dhalitaanka hal ilmo keliya, balse aan ku salaysnayn diin. Dalka Hindiya ayaa muddo soo rogay in qaab khasab ah looga muddo dhalmada raga si loo xadido xadiga dadka, sannadihii 1970-kii, balse muddo ka dib wuu fashilmay qorshahaasi.
Nin u hadlay gobolka Rakhine, Win Myaing ayaa sheegay in qorshahani yahay sidii degdeg loogu joojin lahaa korodhka bulshada muslimka, oo guddi xukuumadu magacowday ku tilmaamay inay sababto rabshada diimaha ee dhaca
βKorodhka dadka muslimiinta ee Rohingya waxay toban laab 10% ka badan tahay ta dadka gaalada budhiska Muslims is 10 times,β ayuu sheegay Win Myaing βkorodhka dadku waa sababta keenta rabshadaha.β
Dhibaatooyinka lagu hayo Muslimiinta
Qul-qulatooyin siyaasadeed oo salka ku haya isir goyn ka dhan ah muslimiinta gobolka Rakhine ee Xuduudka la leh waddan Bangaladesh, ayaa si qarsoodi ah dalkaas uga socotay muddo ku siman tobannaan sanno ka hor intii aanay fashilinin warbaahinta laga leeyahay dalka Bangaledesh ee xuduudka la wadaaga gobolka Muslimiinta laga tiradada badan yahay ee Myanmbar ku nool yihiin.
Waddanka Turkeyga, ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee gargaar Islaaminimo u fidiya dadka muslimiinta ah ee gobolkaas ku nool oo ciidamada dawladda iyo budhcad hubaysan oo ka tirsan dadka Budhism-ka aaminsan ee dalka Myanmar (Burma).
Wasiirka Arrimaha Debedda dalka Turkeyga Ahmet Davutoglu iyo Xaaska Raysalwasaaraha Dalkaas oo ay wehelinayaan Bisha Cas ee Turkeyga, ayaa booqday gobolka Xasuuqu ka socdo ee Myanmar, waxaanay dadka muslimiinta ah oo tuulooyinkii ay deggenaayeen laga gubay kana baracay u qeybiyeen mucaawimooyin isugu jira raashin, daawooyin iyo Teendhooyin ay hoy ka dhigtaan.