Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C/Rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa saxaafadda dalka iyo ta caalamiga ahba ku bogaadiyay sidii ay u weyneeyeen munaasibadii 22-guurada ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland.
Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray oo u dhignaa sidan: βWasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay dhammaan bahda Saxaafadda MaxaligaΒ uga mahad celinaysaa kaalintii TognaydΒ iyo Hanaankii HufnaaΒ ee ay u tabisay MunaasibadiiΒ 22 guuraddiiΒ ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May oo shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ay u damaashaadayeen maalmihii la soo dhaafay.
Wasaaradda Warfaafintu waxay ku bogaadinaysaaΒ warbaahinta dalka qeybaheeda kala duwan sida Idaacada, Telefishanada SLNTV, Horn Cable TV,Somaliland Space Chanal, Bulsho TV, Wargeysyadda iyo Mareegaha Internet-ka sidaΒ xilkasnimada ah ee ay u weyneeyeen munaasibadihii 22 Guurada ka soo wareegtay Madax-banaanida Somaliland, waxaanay qaateen doorkii iyo kaalintii laga filayay ee waddanimo iyo dal jacayl dhab ah.
Sidaas si la mid ah waxaanu ammaanaynaa sida Warbaahinta caalamiga ahi ay uga qeyb qaadatay munaasibaddii 18-ka May. Waxa si weyn quluubta qaranka Somaliland soo jiitay warbixinihii Telefishanka caalamiga ah ee AL-JAZIIRA sii daayayΒ ooΒ uu si qoto-dheer ugaga taariikheeyay munaasibadii iyo sooyaalkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay.
Waxa kale oo iyana aan u mahad celinayaaΒ Telefishanadda UNIVERSAL toos u baahinayay xafladihii lagu xusayay 22-guurada madax-banaanida Somaliland iyo Somali Chanal oo barnaamij dheer oo qiimo leh ka sameeyay munaasibadan. waxaanay si mug leh caalamka ugu bandhigeen jawigii ay u dhaceen xafladihii dabaal-dega qaranka Somaliland.
Waxaanu wasaarad ahaan shacbiga iyo qaranka Somaliland sanadkan sanadkiisa kale ILAAHAYΒ ka baryaynaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo iyo barwaaqo.β
SOMALILANDPOST.NET