Hargeysa (SLpost)- Gabaygan Baroor-diiqda ah oo la magac-baxay (Dhaar-Shil), waxa Curiyey isla markaana ay midhiihiisu Maskaxdiisa ka soo Duxdeen Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur oo ku magac-dheer (Baadi-doon).

Tixdan Gabayga ah oo Maanta Soo Baxday, waxa uu Abwaanku ugu baroor-diiqayaa Alle Ha u Naxariistee Abwaankii Weynaa ee Soomaaliyeed Marxuum Cabdilaahi Macalin (Dhoodaan) oo baal-dahab ah kaga jiray Maansada iyo Hal-abuurnimada Soomaalida.
Abwaan Cashuur waxa uu Gabaygiisa ku bilaabay.
Raganimo dhaqaaliyo, Intay noqotay dhaameelka;
Dhur waaguna ugaadhsaday Libaax, Dhidarna Shaash yeeshay;
Ee dhaanishkii iyo Tuways, Dhaanto lagu sheegay;
Ee sidii dhijaan Lo’o u babliya, Arartii dhooqoowday;
Eey dharaska heesihii noqdeen, Gabayna dhuux daayay;
Xasanoow intay dhalan rogeen, Xaajadaa dhabaqday;
Amaba iguma soo dhicin, Tixihii dhaarshilka ahaaye;
Caawana waxbaa igu dhashee, Kuma dhaqaaqeene;
Anigoon halkiisii dhigayn, Dhawr midh aan idhaahdo;
Dhayal maaha dhaqankeeniyoo, Oo maanta tiir dhacay;
Dhidibada hayuu ka mid ahaa, Macallin Dhoodaan;
Alaylehe dhisbaa dumay, Murtida dhimashadiisii;
Inkastoo nin lagu dhaata iyo Naga dhamaan geesi;
Da’kastoo ku dherersada, Wuxuu kalahaa dheeraade;
Dhankii loo dayaba, Wuxuu ahaa hohe ma dhaafaane;
Dhif baanu dunida ku ahaa, Xiligan wiil dhigi ahiye;
Dhul tol buu ahaa, Sharaf dadnimo loo dhamaystiraye;
Ku dhaca iyo dhiiranida xaqa, Godob ka dheeraanta.
Fool xumida laga dhiidhiyiyo, Dhawrista Xuquuqda;
Wuxuu dhan uga joogsaday, Waqii baadil dhinac saar;
Ama igula dhuuq’oo, Dulmiga dhabaqso xaaraan;
Dhaawaca Milgiyo wuu nebcaa, Dhuuni raacabe’e;
Cabdilaahi dhaqan iyo hidaba, Wuu u dheeliyay;
Dhawaqiisu maankiyo, Caqliguu dhaymo u ahaa;
Siday dhagaxa uga soocan yiin, Dheemantiyo Luulku;
Dheeh buu ahaa, Gobonimo aad u dhumuc weyn;
Dhaxal buu ka tagay, Hagar la’aan looga dhaansaday;
Wuxuu dhiilkastaba kuugu shubay, Dhayda Maansada;
Markuu uu sidii uu dhool onkoday, Dhuunta ka higaadsho;
Xigmad dhilan, Nasteexada dhabta ah, Dhudaha Suugaanta;
Ku dhirbaaxa tuugiyo, Bidcada diinta ugu dhuuntay;
Dhibiiqiyo Gabaareey, Bulshada been ku dhagawaysay;
Dhuuga iyo kelidii dilaha, Dhiiga ka idleeyay;
Dhufatada iyo Huryada, Markuu ku Dhangadaynaayay;
Dhextaaloo qudhaa kugu filnaa, Midhaha Dhoodaan;
Wax sheeg inoo dhamee, Gabay hadaad dhego u leediine.
In dharaarba qaar fuulayaan, Dhooligii Malaga;
Oon Cidina dhaafayn, Markuu dhalaw yidhaa Taymku;
Anoo dhug u leh, Iilkiyo qabriga la isku dhaabayo;
Hayeeshee Naftay dhalan u tahay, Dhaygag iyo Yaabe;
Denbi dhaaf, Su’aalo dhibyar iyo Soo dhawayn Qurux ah;
Ilaahay Miciisii ha ka dhigo, Nebigii Dhoodaane;
Jase aan dhamaan iyo Nimcada ha ugu Dhaashiyo’e;
Kobtaasaan Dhanbaalkii Tacsida, Awgayoow dhigaye;
Kaama dhergin karo Gabay, Nimaan Dhoocir ku ahayne;
Dhabaclahaba reer kama Cabbaan, Waana dhibic roobe;
Waxaan dharaq ka doon doonayaa, Dhaayin oo Jaqane;
Waa dhaban geddiga, Waxay Tixdan la dhutinaysaaye;
Sacabkaan dharuurkii galshada kuugu dhurayaaye;
Hadii aad dhaliil ku aragtuu, Kuu dhadhami waayo;
Hal abuurku ha inagaga dhaqdhaqo, Igu yar dhaamaa;
Allaa Mahad Leh