Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin Ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa xukuumadda ku dhaliilay Ka-baaqashada Naadiga Kubadda Koleyga Hargeysa ee Tartanka Caasimadaha Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo ka furmay Dalka Yugandha.
Xoghayaha Warfaafinta UCID Yuusuf Kayse CabdiLaahi Iyo Xoghayahii Guud Ee Hore Xisbigaas Maxamed Cali Muuse Jiir oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa Dhaliilo baβan U Jeediyay Wasiirka Cayaaraha Iyo Dhalinyarada Somaliland Md Cali Siciid Raygal Kaa Soo Ay Ku Tilmaameen Inuu Meel Kaga Dhacay Sumcadda, Karaamada Iyo Sharafta Somaliland Kadib Markii Uu Horjoogsaday marti-qaad loo fidiyey Kooxda Kubadda Koleyga ee Caasimadda oo ka qayb-gali lahaa tartanka Koobka Caasimadaha Nabada Ah oo lagu qabtay Magaalada Kampala ee Uganda, Iyadoo Ay Arintaasi Ahmiyad Weyn Ugu Fadhidayn Magaca Karaamada Iyo Jiritaanka Somaliland.
DHEGAYSO
Somalilandpost.net/Hargeysa