Hargeysa (SLpost)- Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Soltelco). Doortay inuu noqdo maayarka cusub ee caasimadda Hargeysa ka dib markii uu todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Dubia Maayarkii Hore Marxuum-Yuusuf Warsame Siciid.
Golaha Deegaanka Hargeysa Fadhi ay ku yeesheen hoolka shirarka ee D/Hoose ee Hargeysa waxa ka soo qeyb galay 24 xildhibaan, oo uu ka mid yahay Xildhibaan Xassan Shaah oo ah xildhibaan cusub oo soo buuxiyey xubinnimadii uu Baneeyey Maayarkii geeriyoodey ee Caasimadda Hargeysa.
Fadhigan oo uu Guddoominayay Maayar Ku xigeenka ahna Ku simaha Maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne), waxa cod aqlabiyad ah loogu Doortay Maayarka cusub oo aanay jirin cid kula tartantay, waxaana u codeeyay 23 Xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn. Waxa madasha ka maqnaa hal xildhibaan.
Maayarka cusub Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa mudaneyaasha Golaha deegaanka uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen waxaanu balan qaaday in xilka ay saareen uu uga soo dhalaali doono si karti iyo wadaniyad leh.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) ayaa bogaadiyay hanaanka degan ee golaha deegaanka Hargeysa ay ugu midoobeen inay doortaan maayarkii bedeli lahaa Maayarkii geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum- Yuusuf Warsame Siciid.
Maayarka cusubi waxa uu ka soo jeedaa xisbiga tallada haya ee KULMIYE, waxaanu ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay dhinaca codadkii doorashada ay ugu soo baxeen xisbiga KULMIYE.
ย Waa Kuma Maayarka Cusub ee la Doortay
ย Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo loo yaqaanno โSOLTELCOโ waa duqa cusub ee maanta loo doortay caasimadda Hargeysaโฆ Cidi kulama tartamin jagadanโฆ Si hufanna waxa ugu codeeyay dhammaan mudaneyaasha Golaha, marka laga reebo xildhibaan maqnaa. Taariikhdu markay ahayd 16/April/1975 ayuu ku dhashay Hargeysa.. Magaca hooyadii waa Weris Aw Jaamac Xasan, lix carruur ah ayay walaalo yihiin.. Xaaskiisu waa Casiisa Maxamed Aadan waxaanu Alle kala siiyay saddex carruur ah..

Taxanihiisa waxbarasho waxa uu ku qaatay Hargeysa gaar ahaan iskuullada isagoo Jaamacadda Hargeysa ka qalin-jebiyay kana bartay Culuumta Dhaqaalaha. Murashixiintii u tartantay Golaha Deegaanka ayuu ka mid ahaa isagoo ka tirsanaa KULMIYE, numberka loogu codaynaynaya uu ahaa 308. Xilligaas waxa uu ka mid ahaa ragga ugu taageerada badan, isagoo wacdaro ka dhigi jiray fagaareyaasha ololeyaasha.
Waa nin deggen, bulshaawi ah, karaankiina u diyaar ah inuu ka qayb-qaato horumarinta Hargeysa, si waafi ahna u guto shaqada loo igmadayโฆ Madalo iyo meelo kala duwan ayaannu ku kulannay taas oo keenaysa inaan faaqidi karo dabeecadihiisa dadnimo.. Aniga oo aan jeclayn inaan qoraalka badiyo waxa aan Alle uga baryayaa inuu xilka u fududeeyo.
Macluumaadka ku saabsan Taariikhda kooban ee Maayarka Cusub waxa noogu deeqay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
SOMALILANDPOST.NET