DAAWO MUUQAAL – Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Raysal Wasaare Ku-xigeenka Turkiga

0

Ankara (SLpost)-Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag, ayaa maanta xafiiskiisaΒ  ku qaabilay Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)Β  ee socdaalka ku jooga dalkaasi, waxaana kulankaasi lagu faaqiday qodobo la xidhiidha wax wada qabsigaΒ  labada qaran.

Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga ayaa madaxweyne SiilaanyoΒ  ku soo dhaweeyay niyadsamaan, waxaanu kaga hor yimid xafiiskiisa hortiisa.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. MaxamedΒ  Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay dulucda qodobadii lagu falan-qeeyay kulankii dhex maray Raysal Wasaare Ku xigeenka Turkiga iyo Weftigii Madaxweyne Siilaanyo.

Β β€œArrimahaΒ  Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa, in kor loo qaado iskaashiga iyo xidhiidhka labada wadan, isla markaana kor loo qaado kaalmadda ay dawladda Turkigu siiso Somaliland,”ayuu yidhiΒ  Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirku wuxuu intaasi ku darayΒ  β€œWaxa kale oo aad looga hadlay arrimaha labada dal iska kaashan doonaan waxa ugu horeeya dhinaca tacliinta, khaasatan dhinaca waxbarashadda farsamada gacanta iyo dhinaca caafimaadkaΒ  oo aanu weydiisanay inay dawlada Turkigu ay cisbitaalo casri ah ka hirgeliso Somaliland.”

Β β€œWaxa kale oo kulankan la isla qaatay in diyaarada Turkish Airlines oo imika meelo ka mid ah Geeska AfrikaΒ  timaada inayΒ  duulimaadyadeedaΒ  ku soo darto Hargeysa, iyadoo ay bilaabi doonto duulimaadkaasi marka Bisha lixaad ee sanadkan la dhamaystiro dayactirka iyo casriyaynta madaarka Hargeysa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu, waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi β€œWaxa kale oo horeba miiska u taalay booqasho aanu doonaynay in madaxda sare ee dalkaTurkigu ay ku timaado Somaliland, waxaanan rajaynaynaa inay booqashadani noqon doonto sanadkan 2013-ka gudihiisa.”

Dhinaca kalena, madaxweynaha SomalilandΒ  iyo weftigiisa waxa quraac sharaf ku soor-yeeyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed SiilaanyoΒ  ayaa Wasiirka Tamarta ee Turkiga uga xog waramay khayraadka ku dihin ee dalka iyo sida ay xukuumadiisu u soo dhaweynayso maal-gashadeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Macdanta, biyaha iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) ayaa saxaafada tafaasiil ka siiyay qodobadii Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

Β β€œWaxa noo suurto-galay inaanu u bandhignayΒ  mashaariicda tamarta ah ee dalkeena ka socda,khaasatan shirkadda Β Genel Energy ee Turkish-ka ahiΒ  ka wado. Aad iyo aadna way ugu riyaaqeenΒ  hawshaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi β€œWaxa kale oo aanu u soo bandhignayΒ  fursadaha maal-gashigaΒ  ee u banaan sharaa’iga Turkiga eek u hawlan mashaariicda koronto dhaliska oo dalkeenu daciif ku yahay. Markaa arrintaasna way soo dhaweeyeen oo waxay balan qaadeen inay sharaa’ig khaas ah oo qabta shaqada tamar dhalista ay dhakhso uguΒ Β  soo diri doonaan Somaliland si ay u soo indho indheeyaan wadanka.”

Geesta kalena, Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxay isla maanta kulan la yeesheen Masuuliyiinta Ha’yadda horumarinta u qaabilsan Turkiga, waxaanay ka wada hadleen dhinacyada horumarinta waxbarashadda, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalahaΒ  Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxa kale u qorshaysan inay la kulmaan Raysal wasaaraha Turkiga Rajab Tayyib Ordugan oo isagu marti-qaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka soo gaadhay Magaaladda Ankara, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Istanbul, waxaana madaxweynaha loo dhigay darmada cas (ama rooga cas) oo lagu muuneeyay weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo madaxweynahaΒ  iyo weftigiisa ka soo galbiyay Gaadiidka khaaska u ah wufuuda caalamiga ah ee dalkaasi booqashada ku yimaadda.

Weftiga Madaxweynaha ee socdaalka ku jooga dalka Turkiga waxa ku weheliya Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, macdanta iyo Biyaha, waxbarashadda, dib u dejinta, Safiirka Somaliland ee dalka ItoobiyaΒ  iyo Marwadda koowaad ee Somaliland.

Somalilandpost.net