New York (SLpost)- Xoghayihiiย hore ee Qaramada Midoobayย Mr. Kofi Anan, ayaa madaxdaย iyo siyaasiyiinta dalka Kiiniya u diray dhambaalย uu kagaย dalbadayย in doorashada guud ee dalkaas ka qabsoomi doonta todobaadka dambe lagu gudo-galo nidaam xor iyo xalaal ah.
Dhambaalkanย uu diray Mr. Kofi Anan,ย waxa uu shacabka dalkaas uga digay, in aanay dalkooda dib loogu celin ayaamihii madoobaa ee Xasuuqa sababay markii laguย murmay doorashadii guud ee sannadkii 2007-dii dalkaas ka dhacay.
Mr. Anan ooย hormood ka ahaa xalinta murankii siyaasadeed iyo dajintaย xaalada murugsan ee dalkaasi ku timiย doorashadii hore, ย ayaa dar-daraankiisani ku arooraa dareen Cabsi leh oo la tuhunsan yahay inay xaalad kacsanaan ahi ka dhex aloosanย tahayย garabyada axsaabta siyaasadda dalkaas,ย iyadooย laย helayย waraaqo looguย hanjabayo madaxdaย garsoorka dalkaasi iyoย siyaasiyiin kale oo aad looga yaqaano Kenya.
SOMALILANDPOST.NET