Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Awoowo Maxamed Xuseen Naalleeye ayaa nagu casuumay meherka Isaaq iyo Hodan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo saaka ka dhacayay Maansoor Hotel ee Magaalada Hargeysaโฆ 09:30 arooryo ayay munaasibaddu bilaabantay.
Waxa ka soo qayb galay
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Abwaan Xasan Xaaji C/Laahi Ganay
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir)
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Abwaan Axmed Aw Geeddi (Dheeraad)
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Qoraaga caanka ah: Boobe Yuusuf Ducaale
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Mujaahid Ibraahin C/Laahi Xuseen (Dhegaweyne)
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Xasan Maxamed Yuusuf
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Axmed Cismaan Batuun
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Xildhibaan Maxamed Sheekh C/Raxmaan, Golaha Guurtida Somaliland
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Professor Axmed Maxamed Cadaad
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Professor Axmed Gahayr
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Suldaan Maxamed Kooshin
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Suldaan Maxamed Siciid
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Abwaan C/Risaaq Maxamed C/Laahi (Oday)
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Ibraahin Cismaan
- Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
ยทย ย ย ย ย ย ย ย ย Yuusuf Boobe Yuusuf Ducaale iyo marti-sharaf kale oo mug leh
Xasan Maxamed Yuusuf, Guddoomiyeha Solja ayaa furay, Quraankana waxa akhriyay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir), kaddibna waxa inanta doonay Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan iyadoo uu si milgo leh u bixiyay Maxamed Xuseen Naaleeyeโฆ. Meherkana waxa raaciyay Sheekh C/Qaadir Xaaji Jaamacโฆ. Gebagebadiina waxa weedho duco, dardaaran iyo guubaabo ah ka jeediyay Hadraawi, Boobe, Dhegaweyne, Suldaan Maxamed iyo bah kale.
Dhammaan dadkaas iyo
- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)
- Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug)
- Siddiiq Maxamed Burmad
Mahad Jaamac Koronto iyo Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed (Dool)
Waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka
ย Isaxaaq Axmed Maxamed
Iyo Hodan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Oo Saaka ka dhacay Maansoor Hotel ee Magaalada Hargeysaโฆ 09:30 arooryo.. Waxa ay leeyihiin noqda reerkii aqal-galkooda ku gaadha guul iyo barwaaqo.. Aamiin, Aamiin, Aamiin.