Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay wefti ka socda hayโ€™ado QM u qaabilsan Miinada

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda hayโ€™ad UNMAS & UNOPSMA oo ka tirsan Hayaโ€™addaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka caawiya Dhinaca Miinada, Hayโ€™adan oo Dalka ka bilowday Hawlgalka Arrimaha Miinada Sannadkii 1999, ayaaย  ujeedada socdaalkoodu ahaa inay soo kormeeraan mashaaricdii ay maal-geliyeen oo ay ka mid tahay hayโ€™adda SMAC ee hawl-galka ku samaysay hayโ€™addaha ka shaqeeya miinada & Police (EOD).

Waxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku xubnaha weftiga uga mahadceliyey booqashadooda dalka, isaga oo ka codsaday sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada la xidhiidha arrimaha miinooyinka, waxaanu madaxweynuhu xusay khatarta ay miinadu leedahay iyo baahida ay dadkeenu u qabaan in laga sifeeyo gebi ahaanba dalka.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeenka la yeeshay waxa ku wehelinayay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SMAC Dr. Axmed Cali Maax iyo Cismaan Siciid Jaamac oo la-taliye u ah madaxweyne-kuxgeenka.

Dhenka kale, Weftigan oo ka koobnaa shan xubnood waxa ay ka kala socdeen xafiisyada labada hayโ€™adood ku leeyihiin magaalooyinka New York iyo Nairobi, waxaanay kala ahaayeen:

  1. 1.ย ย ย ย  Amy White โ€“ Hayโ€™adda UNMAS xafiiskeeda New York
  2. 2.ย ย ย ย  Akiko Kobayakawa โ€“ UNOPS mine Action xafiiska New York
  3. 3.ย ย ย ย  Tammy Orr โ€“ UNMAS โ€“ Finance Officer, Nairobi
  4. 4.ย ย ย ย  Sabine Kania โ€“ UNMAS mine Finance Officer, Nairobi

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net