Washington (SLpost)ยญโ Wasiirka ย Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Mohamed Cabdillahi Cumar oo ku gudo jira socdaal shaqo oo uu ku joogo dalka Maraykanka ayaa kulamo la yeeshay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda dawladda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Africa iyo masuul sare oo ka tirsan hayโada USAID.
Wasiirka oo kulanka hore la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda wadanka Maraykanka u qaabilsan arimaha Africaย Johnny Carson ayay isku afgarteen in la xoojiyoย xidhiidhka siyaasi, dhaqaale, nabadgelyo iyo wada shaqayneed ee Somaliland iyo Maraykanka iyo sidii dawladda Maraykanku ay Somaliland uga taageeri lahayd dhinaca abaaraha oo saamayn ku yeeshay, waxana loo ballamay in muddo kooban gudaheed lagu galo arimahaasi.
Geesta kale, Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu kulan la yeeshay Ms. Raj Jandhayala, kaaliyaha maamulka iyo horumarinta ee hayโada USAID, waxaanay ka wada hadleen sidii loo sii kordhin lahaa kaalmada ay hayโaddaasi u fidiso Somaliland, arrintaasina waxay ku dhamaatay guul iyada oo ballan-qaaday in hayโadda USAID ay kordhin doonto mucaawimadii la siin jiray Somaliland.
Wasiirka khaarajiga Somaliland waxa sidoo kale uu ka qayb galay kulan ballaadhan oo ay soo qaban qaabisay hayโada NED kaasi oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta daneeya arrimaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Ambassador David Shin, Ambasador Lange iyo mauuliyiin kale oo daneeya arrimaha Somaliland.
Kulankan ayaa ahaa mid lagusoo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Somaliland muddadii ay jirtay iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibatooyinka wakhtigan hortaagan iyo habka ay hayโadda NED, oo mucaawimooyinka siisa wadamada soo koraya, gargaarkaย ugu kordhin lahaydย Somaliland.
SP News Desk
ย Contact@somalilandpost.net