Dal weliba wuxuu leeyahay rabitaan iyo doonitaan iyo qodobo aasaas u ah jiritaanka daddeed iyo daleedba,mana doono in lagu xad gudbo oo loola dhaqmo si ka baxsan nidaamka u dejisan, ciddii fal ka duwan ula timaadana uu sharci u leeyahay inuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaado,haddaba sidaa si la mid ah ayay Somalilandna xaq iyo xuquuq u leedahay in la xaqdhawro oo la illaaliyo nidaamka ay dadka reer Somaliland dejisteen oo aan gaf iyo galalaf aanay galabsanin loola imanin,ciddii ula timaadaana ay tahay cid ku gafaysa, tahayna in abaalka iyo wixii ay mutaysatayba la mariyo, haddaba dadka u dhashay dalkaasi Somalia oo iyagu cadawga koowaad ee umaddani leedahay ah isla markaana ah kuwii reer Somalilandย gaagaabiyay ee xasuuqay ee dhagta dhiiga u darayย ee maati-ma-dhaaftada ahaa ayaa waxay intaasi ku darsadeen dacaayadaynta iyo yasitaanka iyagoo siyaasigooda iyo shicibkoodubaย gobkasta iyo meelkastaba la joogaan dhibida iyo ku jeesjeeska Somaliland waa la yaabe marxalada iyo waayaha ay ku jiraani uma muuqdo Somaliland uun baa fah lagu soo siiyay, waa tii hore loo yidhi (maroodi takarta saran ma arkee ta kaluu arkaa) waxa ka dhigan Somalia, iyadooy sidaasi tahay ayaa waxaaba ka sii daran idaacado iyo t.vyo dagaal qabaw oo hoosaasina ku haya Somaliland kuwaasiyo ayย mulkiilayaal iyo madax ka yihiin dad ay madaxa goosatay somaliweyn aan arinkeedba oolin malaha waxaa qurux badan iyagoo yidhaa idaacada ama tvga Somalia kalkay ka leeyihiin waxaa idaacada ama tvgaย madaxabanaan waxaan ka xusikaraa idaacada BBCDA iyo VOAย iyagu ku talax taga Somaliland intabadana waxay soo horaysiiyaan horumarka yar ee Somalia iyagoo danbaysiiya amba meeshaba ka saara horumarka Somaliland ee socday 22 sano weliba waxay buunbuuniyaan oo ay naaxnaaxiyaan wixii Somaliland dhib ka jirta, waxaan dadweynuhu ayna ilaabidoonin cunsuriyiintii uu YUUSUF GARAAD ka midka ahaa ee oodhan jiray dalka Somaliland la magacbaxay runtii maaha afkiisa waayo dalweliba isagaa magaciisa la baxa ma waxaa jira waddan cidkale u magacbixiso midda kale muyuuna anshaxii saxaafada iyo dhexdhexaadnimada idaacada waxaa maskaxda ka guuxaysa su,aalihii aadka u qalafsanaa ee dhinaca u janjeedhay iyo doodii dhinaca ka rarnaydย ee masuuliyiinta Somaliland lugta lagu qaban jiray ee Somaliland-diid yuusuf garaad daadihiyaha ka ahaa haddaba waxaa xusid mudan in bbcda laga raja qabay markii uu yuusuf garaad Somalia u kicitimay inay dhexdhexaad noqon doonto mase lahayo taasi oo is badal ma laha, idaacada VOA waa sidaasiyo si ka daran, waxaa iyaguna jiraย TV kuwasiyo dabar ku ah Somaliland horusocodkeeda, halkeed ku ilawday tvga lagu magacaabo ROYAL TV, maalintii dhawd ee maleeshiyaadku ciidanka qaranka soo weerareenย hadaladii aad ka naxliga u lahaa sawkuwii lahaa maamulada Somaliland iyo khaatumo oo dagaal ku dhexmaray xudun u fiirsoย miyaanay khalad ahayn in ay Somaliland maamul kuwa Somalia ka jiroo kale ah, se Somaliland 22 sano jirtay in lala simo shifto dhinac ay haystaanba jirin miyaanay gaf ahayn, haddaba waxaa loo baahanyahay dawladu inay wax ka qabatoย maadaamoo ay liisan ka wada haystaan dalka Somaliland k a hawl galaan.
W/Q;MAXAMUUD MAXAMED AXMED
CELLPHONE;4166381
Email;mmahmed60@hotmail.com
Hargeysa, somaliland