Saylac (SLpost)- Beesha Ciise oo ka mid ah labada beelood ee isku haya hoggaanka Golaha Deegaanka Degmada Saylac, ayaa ku gacan-saydhay qorshe xukuumaddu ula tagtay six al looga gaadho muranka iyo khilaafyada ardaayeysan ee ka aloosan magaaladaas.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo maanta shir jaraaโid oo uu ku qabtay magaaladda Saylac, ayaa shaaca ka qaaday in beesha Ciise ay ku gacan saydhay hindise sulux ku yimid oo lagu soo af-jari lahaa khilaafaadkii ka taagnaa Golaha deegaanka Saylac.
โMadaxweynuhu wixii uu beesha Ciise ku soo jiidayay wuu noo soo dhiibay oo taasi waanu sidnay. Ta labaad Annagu wefti ahaan intii aanu halka (Saylac) joognay Nabadda waanu u gogolnay, waanu u geed fadhiisanay, sulux baanu damacnay inaanu dadka walaalaha ah ee labada beelood ee halkan dega aanu doonaynay inaanu nabad dhex dhigno labada beelood ee walaalaha ah ee halkan wada dega oo Xildhibaanadii ka soo baxay ay ka soo jeedaan. cid sadexaad oo wax ka heshay ma jirto,โ ayuu yidhi Wasiir Duur oo ka hadlaya qorshaha uu u tagay degmada Saylac.
Wasiirku waxa uu ka hadlay khilaafka labada beelood iyo halka uu ka taagan yahay muranka ka taagan golaha deegaanka degmada Saylac, โLabadaasi beelood ayaa beeline 7 Xildhibaan ka heshay Golaha deegaanka Saylac, beeline Toban Xildhibaan heshay, Labadii beelood Xildhibaanadoodii waanu isu keenay, waxaana fadhigii koowaad ee aanu qabanay nuxurkiisu ahaa inay iyagu wax Is weydiistaan, walaaloobaan iskuna tanaasulaan Markaa runtii fadhigaasi wax natiijo ahi kama soo bixin. Waayo wax la is weydiistay ayaa qoloba-qoladda kale ku adkayd.โayuu yidhi Wasiir Duur, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, โMarkii ay is fahmi waayeen ayaanu dib ugu noqonay beeshii Xildhibaanadda bursatay, waxaanu codsanay inay tanaasul samayso, Al-xamdulilaah way aqbashay waxaanay labada kursi ee Maayarka iyo Maayar Ku xigeenka mid ayay ku wareejiyeen.โ
ย Md Maxamed Nuur Carraale waxa uu sheegay qorshaha Beesha Ciise loola tagay, โMarkaa Saaka waxaan Beesha Ciise iskugu soo daray laba wax oo kala ah wixii xukuumaddu xageeda ka qorshaysay oo 100 qof iyo in ka badan shaqo siin lahaa. Waxa kale oo aan ugu daray wixii aan tolka iskugu soo jiidayay oo sulux ku yimid.markaa Guul baan rajaynayay. Runtii Guushii umay dhicin beeshii Ciise oo kumay qancin waanay ku gacan saydheen,โayuu yidhi Wasiir Duur, waxaanu intaas u daray, ย โNabaddu gor-gortan ma leh, Nabaddu cidna waydiisan mayso xukuumaddu cidna u daba fadhiisan mayso.,wixii wanaag ku jiro ummadda waanu iskugu soo jiidaynaa laakiin nabadda cidna ka beryi mayno.โ
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo muddo todobaad ah ku sugan Xarunta gobolka Selel ee Saylac, ayaa todobaadkii hore dhammaadkiisii suurto-galiyey in golaha Deegaanka Degmadaasi yeesho fadhigii u horreeyey tan iyo intii la soo doortay Golahaas.
SOMALILANDPOST.NET