Tacsi:wasiirkii hore ee w/w iyo wacyigalinta j/sland ayaa tacsi udiriya

0

Aniga oo ah Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), waxaan halkan tacsi uga dirayaa: Madaxweynaha Jabuuti iyo Marwada koowaad, Xukuumadda Jabuuti, dhammaan Shacbiga reer Jabuuti, xaaskii iyo ubadkii iyo dhammaan saaxiibbadii iyo eheladii uu ka geeriyooday Jaamac Maxamuud Xeyd, Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo. Ilaahay waxaynu uga baryaynaa in uu ka abaal-mariyo dal-jacaylkiisii iyo dad-jacaylkiisiiba.

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)