SLpost Sports – Tababaraha kooxda Arsenal ayaa banaanka soo dhigay sida uu uga cadhaysan yahay guuldaradii xalay ka soo gaadhay kooxda Blackburn oo 4-3 kaga badisay ciyaartii ka dhacday Edwood Park.
Kooxda martida aheyd ayaa labo jeer hogaanka ciyaarta qabatay, laakiin waxa ay soo baxeen iyagoo waxba aan sida ka dib labo gool oo ay iska dhaliyeen Laurent Koscielny iyo Alex Song, iyo labo gool kale oo uu ku darsaday Yukubu iyadoo Blackburn ay guushoodii ugu horreysay ee horyaalka gaadheen.โWaa adag tahay in la sharxo qaab- ciyaareedkeenii qeybtii danbe ee ciyaarta, sababtoo ah guud ahaan waxaan abuurnay fursadoโ ayuu Wenger
โWaxaa dhibaato inaga heysatay inaan sidii qaybtii hore oo kale ugu bilaabano qaybtii labaad, waan ogeyn halka ay ka xoogan yihiin โGuud ahaan waxaan ku guuldareysanay ciyaar aan dhalinay goolal badan, waana wax murugo lehโ
โMarna ma dhihin kartid walwal ma qabo marka aad ciyaareyso qaab-ciyaareed kii xalay oo kale ahโโKooxda xalay difaac ahaan ma aysan adkeyn. Marka aad 2-1 ku hogaamuneysaBlackburnhaddii difaaca adag aad heysato goolal kale waad ka sii dhalin kartaaโโXilligan la joogo ma lihin awooda aan diirada ku saarno 90 daqiiqo oo aan ku badino kulamada sidaan oo kale ah. Tayada aan leenahay darteed waa muhim in goolal sidaasi u raqiis ah aan la fasaxinโ
Natiijadan ayaa waxa ay keeneysaa in Gunners ay dhinaca kala sareynta kaga danbeyso kooxdaBlackburn, waxana Wenger uu ka dalbaday ciyaartoydiisa inay wax badan meesha la yimaadaan.โAfar dhibcood oo shan kulan laga helaa waa wax aad u xun. Wax kale oo la sheegaaba ma jiraan. Mana ahaa wax nagu filanโ
Somalilandpost.net
Sports News Desk