Hargeysa ย (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta dood iyo falanqayn dheer kadib ansixiyey odoroska miisaaniyada sannadka 2013-ka.
Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo maalmahan dood adag ka yeeshay Odoroska miisaaniyada qaranka Somaliland oo Wasiirkana Suโaalo laga waydiiyey Miisaaniyada sannadka 2013-ka, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyada sannadkan.
Fadhiga maanta ee Golaha Wakiilada ayaa waxa ka soo xaadiray 43 xildhibaan, waxaana gacan taag loo sameeyey ogolaanshaha ansaxa miisaaniyada, waxaana ogolaaday 36 Mudane, halka 5 xildhibaana ka dideen, waxaana ka aamusay 2 xildhibaan, waxaana sidaasi ku ansaxay Miisaaniyada sannadka ee 2013-ka.
Somalilandpost.net
Hargeysa Office