Berbera (SLpost)- Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha oo uu weheliyo Wasiirka qorshaynta Qaranka somaliland ayaa maanta xilkii u kala wareejiyay maayorkii hore ee degmada Berberaย Cabdale Maxamed Carab iyo maayorka cusub Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin,
Xafladan oo ahayd mid siwayn loosoo agaasimay ayaa waxa kale oo kasoo qayb galay xildhibaano baarlamanka iyo golaha guurtidaba ka tirsan, salaadiin,cuqaal iyo dadwayne aad utira badan oo soo buuxdhaafiyay hoolka shirarka ee jaamacada badaย e berbera,
Badhasaabka cusub ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa dadweynaha reer Berbera u soo jeediyay inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Golaha Deeganka, waxaannu sheegay inuu isku hayo labada xi lee Badhasaabka iyo Xoghayaha dawladda Hoose, sidaa daraadeedna khibraddiisa uu u leeyahay shaqada dawladda hoose uga faaโidayn doono maamulka cusub.
Badhasaabka cusub ee Saaxil waxa uu ka digay cidkasta oo nabadgelyada ka hor timaada inay tallaabo adag ka qaadi doonaan, waxaannu sheegay in xalay magaalada Berbera lagu daadiyay waraaqo mudaharaad loogu baaqato shacabka.
Maayarkii hore ee Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa soo dhaweeyay maayarka cusub Cabdishakuur Maxamuud Xasan iyo ku-xigeenkiisa, waxaannu ka sheekeeyay duruufihii ka hor yimi markii ay xilka qabteen 10 sano ka hor iyo niyadjabkii shacabku ka dhaxlay, waxaannu yidhi, โ10 sannadood baa laga joogaa markii aanu xilka la wareegnay, sanadkii 2003 waxan ahaa duqii u horeeyay ee golaha deegaanka, 36 sanno waxay ahayd markii u horraysay ee Gole deegaan shacabku soo doortaan, taasoo bulshada iyo xisbiyadu toona aanay fikrad fiican ka haysan. Waxaannu isu nimi anagoo 21 maayar ah, taasoo ay ka dhalatay in shacabku ka niyad jabeen waxqabadkii ay naga filayeen oo guuldaraystay.โ
Maayarkii hore ee Berbera waxa uu ballanqaaday inuu la shaqaynayo maamulka cusub ee golaha deegaanka Berbera oo wixii tallo iyo tusaale ah uu la garab taaganyahay.
Maayarka cusub ee Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan, ayaa u mahadnaqay maamulka xilka ku wareejiyay iyo waxyaabihii ay qabteen,waxaannuu ballanqaaday inuu dhammaystirayo wixii ka dhiman ee ay ka tegeen.
ย โAnaga horumarka Berbera ayaa naloo doortay, waxaannu u dhaaranay kuwii noo coddeeyay iyo kuwa aan noo codaynba inaanu dalka diinta daacad u noqqonno oo ay koo simanyihiin, qofkii aan aaminin kitaabka dee anaguna aamini mayno.โayuu yidhi Maayarka cusub ee Berbera. Waxaannu intaa raaciyay oo yidhi, โReer Berberoow waxaan idin leeyahay Cabdishakuur waa jaad doorateen, waxaad iigu ducaysaan in Ilaahay xilka igu asturo.โ
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xilka u kala wareejiyay maamulka cusub iyo maamulkii hore oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee Golaha Deegaanka Berbera, islamarkaana ka hadlay waajibaadka shaqo ee horyaala, iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa wasaaraddiisa, โWaxa idin sugaya habayntii magaalada, bilicdii magaalada, kor u qaadista koboca dhaqaalaha, mudanayaashu waa inay ogaadaan talada golahaa leh, fulinteedana hoggaankaa leh, waa Cabdalle shalay iyo Cabdishakuur maanta.โayuu yidhi Wasiir Duur, waxaannu intaa ku daray โCabdalle wuxuu qabtay ugu hambalyayn mayno, waa waajibkii loo doortay milgaha aad la timaadaan buu shacabku idinku tixgelin doonaa, waxaa laydiinka baahanyahay isku duubi, iyo wadashaqayn aad muujisaan. Maamulka cusubna waanu la shaqaynaynaa.
Waddadii la soo maray xisbiyay ahayd laakiin maanta tii qaranka ina dhextaala ee nala shaqeeya.โsidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Somalilandpost.net
Berbera/Somaliland