Hargeysa (SLpost)β Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya beelaha wada deggan gobolka Sanaag isaga oo sheegay in khilaafkan salka ku haya dilka Taliyihii Saldhigga Dallo ee magaalada Ceerigaabo lagu rejo-weyn yahay in demintiisa sida ugu dhakhsaha badan loogu guulaysto.
Wasiir Cadami oo u warramayey warbaahinta madaxda bannaan qaarkood, waxa uu sheegay in madax-dhaqameedyada gobolka Sanaag iyo xukuumada Somaliland ay dadaal ugu jiraan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka taagan. βArrintaas u dhaxaysa beelaha wada dega gobolka Sanaag xalinteedu meel fican ayaa ay noo maraysaa oo madax dhaqameedyo iyo xukuumaduba waa laga hawl galay si aanay arintaasi mashaakil hor leh u abuurin iyo dagaal sokeeye maanta, oo u dambaysay waxaan wada hadlaynay cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha Dhulbahante oo ah kuwa dhibka gaystay ee ninka dilay oo ku sugan Magaalada ceerigaabo, waxaanay u yimaadeen in ay dhex dhexaadin arrinkasi ka sameeyaan, gobolka waxaa wada dega afar beelood oo waawayn, marka ay laba is qabtaan, labada kale ayaa dhex dhexaadin gala, dhibkana halkaasi ayaa lagu xaliyaa,β ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku diray, βWax kasta oo uu yahayba markaa iminkana iyaga ayaa xalkii faraha kula jira xubno Xukuumada ka tirsanina waa ay joogaan oo wasiir ku βxigeenkii maaliyada oo deegaankasi ka soo jeedaaba waa ku sugan yahay haddaβ
Mar wax ka laga waydiiyay waxa uu kala socdo wararka sheegaya deegaamo ka tirsan Bariga Sanaag ay ka baxeen faraha Xukuumada, waxaa ku jawaabay, ββMaya, waanu ka warhaynaa xaalada dacalada dalka waanan la soconaa dhaq dhaqaaq kasta oo ka dhacaya ,mana jiraan deegaamo ka tirsan Bariga Sanaag oo ay xukuumadu hore gacanta ugu haysay oo hada ka baxay, dadka ku dhaqani maamulka ayaa ay la shaqeeyaan oo wax dhibaato ah oo haba yaraate ka jirtaana ma jirto,β ayuu ku dooday wasiirku, waxaanu intaas raaciyay, βWaxa kale oo aanu la soconayaa dhaqdhaaqyo ay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay xuduudda ka wad-wadeen, waananu ka feejignayn in ay wax nooga yimaadaan kaasina waa uu fashilmay oo ninkii hawshaa watay, waxa dhawaan lagu dilay Magaalo Xeebeedka Boosaaso.β
Wasiirka oo ka hadlaya halka uu ku dambeeyay goβaankii xukuumadda ee ku wajahnaa xubnihii ka tirsanaa Dawlada Somaliland ee Taleex lagu afduubay halka ay xaaladoodii ku dambaysay, ayaa yidhi, βHorta marka hore dadka la afduubay iyo cida afduubayba waa reer Taleex ,Taleexna waa meesha uu ka soo jeedo Madaxwayne ku Xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdisamad Cali Shiire markaa ma jiraan haba yaraatee wax ciidamo ah oo Somaliland ah oo Taleex ku sugan,i markaa arintaasi waa arrin murugsan oo dadkii deegaanka wada lahaa ayaa is afduubayaa oo midba midka kale isleeyahay yuu kaa qabsan deegaanka xubnahan Somaliland ka tegayna eheladoodii ayaa ay soo booqanayeen ee arrimo siyaasadeed umay socon waxaana afduubkooda iyo xadhigoodaba ka dambeeyey maamul goboleedka Puntland hadii ay sidaa ku sii socdaana waxaa lumaysa xasiloonidii la rabay in ay kuwada noolaadan labada maamul,β ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu ku sheegay inay sharci-darro tahay isla markaana aanu sharci qaban qof gurigiisa u baqoolaya.
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net