New York, (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Mohamed Cabdilaahi Ayaa Kulan kulamo kula yeeshay Xafiiska Hayโadda IRI ย masuuliyin ka kala socda Xafiisyo badan sida Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, hayโadda gargaarka iyo deeqaha u qaabilsan Maraykanka eeย USAID iyo Hayโado badan oo madax banaan oo la shaqeeya dawlada Maraykanka, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Waxaa uu wasiirku Goobtaasi ka qeexay Qadiyadda Somaliland iyo Horumarka ay ku talaabsatay. Waxa kale oo uu xusey xaaladda Arrimaha dalka dariskeenna ah ee Soomaaliya iyo Dhibaatooyinka ay ku hayaan Geeska Afrika gaar ahaa waddanka Somaliland. Waxa uu sidoo kale Carrarbka ku dhuftay Abaaraha ka jira Somalia oo uu sheegay inay Somaliland dadkaasi dhibaataysan gargaar u fudisey.
Wasiirku waxa uu ka codsaday masuuliyiintaas matalaysay hayโadaha kala duwan ee Maraykanka in gargaar deg-deg ah la gaadhsiiyo dadka abaaruhu waxyeelleeyeen ee Soomaliland.
Wasiirka Arimaha Dibadda, Dr. Mohamed Cabdilaahi, ayaa la filayaa inuu Barri kulamo gaar ah ย la yeesho Wakiilada Barlamaanka Maraykanka.
Halkan ka daawo Muuqaal Kooban oo Shirka Wasiirka ah
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net