TALOOYIN-SHARCI Baaq ah Qabasho Shir Deg-dega oo ah Madaxda-Dhaqanka Qabiilka Ciise Muuse Ka Hor Shirka DUBUREED ee 29/09/2011.

0

Qoraalkani oo ah laba Qaybood,ย Qaybta horeย waa Hordhac ku saabsan CAMBAARAYN ku socota

Labada M/weyne ee SIILAANYO iyo RAYAALE ee Sifada Sharci darada ah ku bixiyey WARSHADDA SIBIDHKA ee BERBERA, ee maamul-xumadoodu sababtay isku dhaca ganacsatada Ciise Muuse iyo Kuwo Habar-Jeclo, iyo Cambaaraynย Shirkadda DAHAB Shiil,ย Ganacsatadaย kala duwan ee kala safan ee Sababay Khilaafka Madaxda Dhaqanka eeย Ciise Muuse

Qaybta Dambenaย waa Talooyin Sharci iyo Soo Jeedimo ku Saabsan Shirka Dubureed ee qabashadiisa loo Mudeeyey 29/09/2011.

Anigoo ah Garyaqaanย Maxamed Xasan siciid (Salli-Dhige), ahna Muwaadin JSL, kana soo jeedaย Qabiilka Ciise Muuseย ee Deegaankaย Gobolka Saaxil. Ayaa Anigoo ku farxay baaqii hore ee ay Todobadaย Suldaan, Chief Caaqilka iyo 12-ka Odayย ay ku iclaamiyeen inย 29-ka September 2011ย magaaladaย DUBURย ee degmada Sheekh ay ku qaban doonaan Shirbeeleed ay ku magacaabeenย โ€œDANย iyoDUCOโ€.ย Isla markaana anigooaad uga xunย oo Cambaaraynaya in Madax dhaqameedka Beeshu ay Qoraalo ahย Baaqyois-Burinaya ay warbaahinta isu maiyaan, iyagoo ah sida ka muuqatay qoraaladooda ay kusoo qoreen Saxaafadda kuwo ku kala aragti duwanย oo keliyaย Arin ku saabsan Mawduuca Qorshaha (Agenda) Shirka ee Qabiil Ciise Muuse uu ka shiri doono.ย Sidoo kalenaย aan aad uga xumahay in Xukuumaddu ahaato mid ku mashquulsan carqladaynta Shirka iyo madaxda Xukuumadda ee ka soo jeedaย Qabiilka Ciise Muuseย ay ahaadaan kuwo loo adeegsado burburinta Shirka qabiilkooda iyo in qaar ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera ay iyana ku hawlan yihiin arintaas foosha xun.ย Sababta aan ugu farxay qabashada Shirkaasinaย waxay tahay baahi weyn oo anigu aan u qabo in aan helo Qabiilkayga oo midaysan oo karamkooda, ka dalkooda iyo xuquuqaha dadkooda ilaashan kara oo si siman ugudan kara Waajibadkiisa. Waayo, anigu waxaan ahaa muwaadinย 12- sanadoodย Dacwoonayey oo dhib i haysatay darteed keligiiย MUDAAHARAADAYEYlaamiyada magaalooyinka, isla markaana xuquuqdiisa u maray dariiqa Shaeciga ah oo hortaagnaan jiray Maxkamadaha hayey kiiskayga cidda i carqaladaynaysayna ay ahayeen Madaxdweynayaashaydaย 1)ย marxuumย Cigaal;ย 2)ย Daahir Rayaale; iyoย 3)ย M/weyneSIILAANYAHANย isna Shirkaddiiย TOTALย ayuu dalka ka saaray isaga oo og inaan Shirkadaas Xuquuq aan ku leeyahay, waana Gasho iyo Qaan uu M/weynuhu u soo jiiday oo Dawladda Somaliland laga rabo inay Gashi-bax ay la timaado. Mudadaas may dhicin oo garashadoodu may siinin in Madax dhaqameedka kala duwan ee Beesha Ciise Muuse ay ka hadlaan arinkayga oo ay qabsadaan ama cambaareeyaan M/weyneyaashaas ku xadudbay xuquuqda qofkooda ah Muwaadinka JSL ee dacwadiisa u maray dariiqa Sharciga ah ee Maxkamadeed. Waxase xaqiiqo ah in haddii cuqaashayda ama Salaadiintayda aan ka dalbi lahaa inay ka hadlaan arinkayga, ay dhici lahayd in Xukuumadu ay dhq-dhaqaajiso qaar kale oo iyagu (madax-dhaqameedkaygaas) kamid ah, oo ay kasoo horjeesan lahaayeen warbaahintana ay ka Cambaarayn lahaayeen kuwoodii hore ee ka hadlay arinkayga. Sidaasna qof kasta waxa waajib ku ah inuu dhankiisa ka ilaaliyo Sharafta Madaxda iyo dadka kale xuquuqdooda. Hiilkuna Waaย Shay-Dammiireed, oo ku xidhan garashada iyo xooganaanta nolosha Dammiireed ee dadka laga rabo hiilka. Qofku wuxuu ku waayo Muwaadinimo iyo Sharciga Dalkiisa, kuma heli karo dariiqo kale oo khaldan.ย  Hawlaha-Shaqo(Functions) Ee Qabiilku waxay tahay oo ugu muhiimsan saddexdan arimood ee kala ah sidan:-

1) Qof Qatan Quudintii;

2) Qof Quman Quwayntii; iyo

3) Qof Qaldan Qabashadii.

Qormadaydani ma aha mid aan kuย daalibaayoย in Madax-dhaqameedka Ciise Muuse ay Shirkoodanย DUBUREEDย kaga hadlaan arinkayga iyo arin kale oo Shakhsiyaad cabanayatoona. Waayo Qabiilkaygu ma aha manta mid u qaabaysan inuu Qofkiisa ilaashado, Madax dhaqameedkayguna ma aha kuwo midaysan, oo waa kuwo u DHIBAATAYSAN DAWLAD-XUMO (Victims of Bad Government) oo TAFARAARUQSAN, isla markaana ay sii kala qayb-qaybiyeen Xisbiyo Xumi (Bad Political Parties), oo ku shaqeeya Aaminsana Siyaasadii Guumaysiga ee ahaydย DADKA KALA QAYBI OO XUKUN (Devide And Rule), kuwaasi oo xiligii olaleyaashadoorasho si xun uga dalbay taageero, oo Odayba ka hor geeyey Oday kale oo naqdiya.

SUโ€™AALAHA SHARCI EE SALKA U AH MAWDUUCAN

Waxan qormooyikayga soo socda aan kaga hadli doonaa mawduucyo badan oo la xidhiidha arinka Qabaaโ€™ilka + Dawladnimada + Xisbiyada + Ururada Bulsho + Sharciga + Siyaasada iyo madaxda kala duwan ee maamula Hayaakilkaas.

Haddaba si looga hadlo suโ€™aasha ahย Shirarka Qabiilku ma Sarcibaa?ย Ayaa Jawaabtaas waxay tahay mid ku xidhan oo kazoo dhex baxaysa sida Suโ€™aalaha kala ah

(1)ย Waa maxay Sifada Sharci (Legal Status) ee Qabaaโ€™ilka dalku?ย Amaย (2)ย Qabaaโ€™ilka JSL ma yihiin Dad Qaanuuneed (Legal Persons) oo Shuruucda dalkani aqoonsan tahay?ย amaย (3)Qabaaโ€™ilkeenu Ma leeyihiin Jiritaan sharci (Legal entity) ama Shakhsiyad Qaanuuneed (Legal Personality)?ย amaย (4)ย Waa Maxay Ujeedooyinka(Objetives), Hawlaha-shaqo(Functions), Qaab-dhismeedka(Structures) ee Qabaaโ€™ilka JSL?ย iwm.

ย 

CAMBAARAYN

Waxaan Cambaarayn iyoCanaanmuwaadinimo aan usoo jeedinayaa Madaxda Dawladda iyo Ganacsatadan soo socota kuwaasi oo ka dambeeya sababta six un u dhaq-dhaqaajinta iyo isku dhaca Madaxda dhaqanka ee Qabiilka Ciise Muuse, kuwaas oo kala ah;

(1)ย Ex-Madaxweyne mudane Daahir Rayaale ee qoray qoraal Sharci daro ah oo uu Mulkiyadii WARSHADDA SIBIDHKA Ee BERBERA uu ku siiyey Ganacsato u dhalatay kana soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse, iyo sidoo kalen waxa Cambaaraynayaa oo Canaan mudan;(2)ย Madaxweyne mudane SIILAANYAHAN isna markii xilka madaxtinimo ee dalka uu qabtay isaga oo og in qaar hore Warshadaas la siiyey, uu isna qoray Qoraal kale oo Sharci daro ah oo Mulkiyadii WARSHADA SIBIDHKA Ee BERBERA uu ku siiyey Shirkadda DAHAB-SHIIL iyo Ganacsato kale oo Qabiilka Ciise Muus ah iyo shirkadda TELESOM.

Talaabooyinkaas Madaxweyneyaasha oo ahaaย Maamul-Xumooyin(Maladministrations) Argagixiso ah oo sababay Caddaalad-daro (Injustice). Madxweyneyaashaasoo oo sidiiyoo ay maamulayaan Hanti ama Dukaamo Shakhsi ahaan ay u leeyihiin ay M/weyneyaashaasi qoreen Qoraalo isburinaya oo xaaraan ah oo aan Sharciga waafaqsanayn ayย Hantidii Guudย (Public Property) iyoย Khayraadkii Wadankaba(National Resources) ee Dadka dalkani wada lahaayeen sifo sharci daro ay ku bixinayaan. Kuwani waa Ganacsato Muwaadiniin ah oo dalka ku Xuquuqo Horumarineed (Right to Development) oo u baahan in la hago oo loo tilmaamo in ay ka dhawrsanaadaan inaanay Jeebkoodkooda six u adeegsan, madaxda dalkana aanay ku fasaqin. Mawduucana iyo Sharciu wuxuu ka qabona si faahfaahsan ayaan uga hadli doonaa haddii alle idmo.

Soo Jeedin QABASHO SHIR DEG-DEG ah oo Ka Horeeya Shirka DUBUREED

Waxaan ugu Baaqayaa dhamman Madaxdhaqameedyada kala duwan ee Qabiilka Ciise Muuse inay isugu yimaadaan Shir Deg-dega ah oo ka horeeya Shirka DUBUREED ee mudaysan 29/09/2011, isla markaana si looga hor tago Khilaaf cusub oo kale oo Shirka Dubureed gudihiisa ku dhex mara Madax dhaqameedka oo ay qaadaan talaabooyinkan:-

(1)ย In Shirkaas hordhaca ah ayย Madax dhaqameedyadu ku xaliyaan khilaafaadkooda iyo in ay ku diyaariyaan qorshe (Agenda) ay ku midaysan yihiin oo lagaga hadlo Shirkaas;(2)ย In Shirkaas hordhaca ah ayย Madax-dhaqameedyadu kaga hadlaanย CIDDA MAGACA BEESHA KU HADLI KARTAย xeerna laga dhigto;ย (3) In Shirkaas hordhaca ah ayย isla qorsheeyaan sidaย DERAJOย ahaan ay u kala sareeyaan iyo sida Masuuliyadda Reerka ay u kala leeyihiin;ย (4) In Shirkaas hordhaca ah ayย kaga wada hadlaan waxa ay ka yeelayaan Xisbiyadan (Mucaaridka ah iyo kuwan Muxaafidka ah) ee iyagu ay kala taageersan yihiin ee ka dhex guuxaya dareenkooda;ย (5)ย In Shirkaas hordhaca ah ayย kaga tashadaan sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen dareenada khaldan ee dadka ka soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse ee ay ku qalooctay Xisbinimadu ee danta Qabiilka ku ilaawi kara Ficil xumada Xisbinimo;

Soo jeedin Qodobada Qorshaha (Agenda) Shirka DUBUREED

Waxaan madax dhaqameedka Sharafta mudan ee Qabiilka Ciise Muuse aan halkan ugu soo jeedinayaa QODOBO ay isku waafiqi karaan oo ku saabsan Qorshe (Agenda) ku haboon oo Shirka DUBUREEDย ee Muddaysan 29/09/2011ย ay kaga wada hadli karaa, kuwaas oo ah kuwo ay ku jirto Danta iyo midnimaa Qabiilka iyo Danta Ummadda Somalilandba, waana sidan:-

(1)ย In Shirkaas Dubureed lagaga wada hadloย wixii Reerku ay ka yeeli lahaayeen Dadka ka soo jeeda (udhashay) Qabiilka Ciise Muuse ee ah shaqaalaha Dawladda ee ahKaraniyiintaย (sida Khasnajiyada, Agaasimeyaasha, Baratakoolka, Wasiirada, Xildhibaanada iwm) ee ummadda u haya shaqo guud, laguna Aaminay Hawl Adeeg Guud oo ka wada dhexaysa dhamaan Qabaaโ€™ilka Somaliland kuwaasoo Dhibaato ku haya Sumcadda, Karaamada, Midnimada iyo jiritaanka Qofnimo/Ummadnimo ee Qabiilka dhibaatooyinkaas oo ay ka mid yihiin sida:-ย (a)ย Mar intay Lunsadaan Hantida iyo Maalka Guud ee Ummaddan ay dabada soo gelinayaan Qabiilka si ay u meelmarsadaan Dulmigaas iyo Xad-gudubka dhaca Maalka ummaddan Baylahsan ee Somaliland wax loogu qaban lahaa, kuwaas oo Qabiilka ka dhigtayย GABOOD-XADGUDUB;ย (b)ย Marna waxay yihiin kuwo Dawladdu ay u adeegsato BURBURINTA iyo KALA QAYBINTA Qabiilka, iyagoo badankooda inta lacagta ummadda loo soo dhiibo la yidhaahdo ku kala furfura si qabiilku aanay u shirin iwm;

(2)ย In Shirkaas Dubureed lagaga wada hadloย wixii Reerku ay ka yeeli lahaayeen Arinkaย DHAQAALAHAย Madax-Dhaqameedkooda, oo Qabiilku ahaado mid hanan kara Mushaharka iyo Daryeelka Dhaqaale ee Madax Dhaqameedkiisa. Waayo waxaynu kawada warhaynaa Xaaladda ay ku sugan yihiinย  iyo Duruufaha adag ee ku xeeran. Sidaas li-ajligeedna waa in Shirkani uu ahaadaa mid lagu hagaajinayo xaaladda Dhaqaale, ixtiraam iyo Dhawrsanaaneed ee Madax dhaqameedka Qabiilka, fadhiga Shirkaasna loogu Qorsheeyaa Sanduuq Dhaqaale oo lagu daboolo arinkaas. Isla Shirkaasna waa in qabiilku goโ€™aan ka soo saaraa lagu Joojinayo Dhaqaalaha Wasaaradda Arimaha Guduhu Siiso Cuqaasha, Salaadiinta iyo Madaxd dhaqameeda kale ee ka soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse, si looga badbaadoGuumaysiga Dhaqaaleย ee Dawladdu ay ka dhaxayshay Guumaysteyaashii iyo Maamuladii Dawladihii xumaa ee hore, kuwaasi oo si xun uga faaโ€™daysata duruufaha dhaqaale xumo ee ku xeeran Madax-dhaqameedka;

(3)ย In Shirkaas Dubureed lagaga wada hadloย in Madax dhaqameedka Beesha laga joojiyo in ay soo saaraan BAAQYO TAAGEERO ooย  ay ku taageerayaan Musharixiinta ama Xisbi Hebel iyo in Goโ€™aano ah in Qabiilku uu Taageeradiisa siinayo Hebel ama Xisbi-Hebel, maadaama Qabiilku yahay mid dadkiisu ku kala aragtiyo duwan yahay, kuna kala jiraan Xisbiyada/Ururada tartamaya ee kala;

(4)ย Shirkaas Dubureedย uu ahaado mid Qabaaโ€™ilka kala Duwan eeSomaliland u horseeda dariiq wanaagsan ย oo qabaaโ€™ilka kale ay kaga daydaan si waafaqsan xadiiska soo socda. Laakiin Shirkaasu aanu noqon mid ummadda u horseeda tafaraaruq iyo Khilaafaad;

(5)ย In Shirkaas Qabiil ee Ciise Muuse lagu Goโ€™aansado in la qabto Shirweyne-Deegaan oo dadka iyo Qabaaโ€™ilka wada dega Deegaanka Gobolka Saaxil ay kaga wada hadli doonaan arimo lagu hagaajinayo xaaladda baโ€™an ee liidata ee dadka iyo deegaanka Saaxil ay ku sugan yihiin, isla markaana lagaga hortagayoย DULMIGAย iyadoo arimaha iyo Qodobada ugu muhiimsan ee aan soo jeedinayo ah yihiin sidan:-

(a)ย In la Goโ€™aansado maadaamaa aynu deganahay Deegaan Xeeb ah oo ay ku taaloDEKADIย oo ah โ€œMarinโ€ย ahย in Deegaanka dhexdiisa aan cidna lagu Dulmiyin; iyo

(b)ย In la Ururiyo Lacag dhanย $ 200,000 USDย (Laba Boqol oo kun oo Doolar) oo lagu daahirinayo deegaanka oo la siiyo dadka Carabta ah ee dan yarta ah ee degan Berbera. Waa haddii la garan waayo Cidii dhaxaltooyadiisa ahayd. Waa Magdhawgii ninkii Carabka ahaa ee la yidhi beri buu u-iib keenay magaalada Berbera dooni Raashin ah, dabadeedna halkaas lagu dhacay ninkaa qariibka ah ee safarka keenay, oo dadka deegaanku aanay u gurman, isla markaana ay qariyeen ciddii dhacday, dabadeedna ninkii Carabka ahaa ee la Dulmiyey uu yidhi erayga ahย โ€œBERBERAAY XAQAAGA LA QARIโ€,ย dhacdadaas oo ah mid Fool xun , oo maqalkeeda uu jiilba-jiilka kale uu kasii maqlo, oo cid walba oo deegaanka Saaxil iyo Berbera jootaaba ay qirayaan oo ay xaqiijinayaan in ninkaasi la DULMIYEY.ย Xusid arinkaansa dadka iyo madaxduba way dhayalsadaan oo indhaha ayey ka laliyaan (they ignored). Cawaaqibkeediina waxa uu dhalay oo xaqiiqo ah ereyga hal ku dhiga ah ee ahโ€œBERBERI WAXAY CUNTAA CIYAALKEEDA, WAXAYNA KORISAA CIYAALKA DADKA KALEโ€.

ย waayoย ILLAAHAYย (SWT) waa CAADIL, wuxuu Naftiisa ka xaaraantinimeeyey Dulmiga, wuxuuna inagana (Bani-Aaamka) inaga xarinaga inaynu is Dulmino. Waxa Xaqiiqo ah Qofka Dulmi ku raaca Qof kale in isaga dib loogu Sallido Qofkii uu Dulmiga ku Raacay. Waxa Xaqiiqo ah in Dhagarta Dulmigu ay taalo Qofka gala GONDIHIISA.

Runtiina dhacdadaasi waa mid fool xun. Waana mid hadhaysay dhegaha dadka reer Berbera oo jiritaankeeda la isla qirsan yahay. Geedka lagu qaado DULMIGA iyo GAR-EEXO waxaynu ognahay in uu qalalo. Sidaas si la mid ahna Guriga ama Deegaanka lagu galo Dukmiguna waxa ka guurta naxariista illaahay, iyana xaqooda wuu lumaa, waayo hore ayey u lumiyeen xuquuq cid kale ay leedahay.

Markaa waxaan soo jeedinayaa in magdhawgaas laga bixiyo xoolaha dadka Deegaanka Berbera iyo Gobolka Saaxil. Bixinta Xuquuqdaas kadib ayuu Gobolku iyo dadka Deegaankuba ay helayaan xaquuqdooda, dadka iyo wax walbaana ay barakoobayaa. Haddii kale dhashiina ayey sugaysaa Dhaxal xumadaasi, weligiina sidaas maanta madaxdiina inta Shilimo yar la hor lulo ayey Badhkoodba loo adeegsanayaa kala qaybinta badhka kale.

Arinta ku saabsanย Ciise Muuse GALBEEDย iyoย Ciise Muuse BARIย Ma Aha Dariiqo Lagu Xalaashadoย Tafaraaruqย iyo Abuurid Tanaaqud ย ee Talada Saldanada Reerka lagu Kala Faquuqo. Laakiin arinka Bari iyo Galbeed Waa Arin Degsiimo Dhuleed ee Ma Aha Kala Taganaan Ruuxeed iyo mid Firadeed toona!! Soo qaado Ragii Madaxdii Qabaaโ€™ilka ee Xikmadda badnaa iyo Fogaan araga ahaana Arinta ku saabsanย Ciise Muuse BARIย  soo qaado sidaย (1)ย CHIEF CAAQIL XAAJI JAAMAC CIAAL;ย (2)ย CHIEF CAAQILย XAAJI IL-BIR; IYOย (3)ย CHIEF CAAQIL QAALIB FAARAXย iyo dhacdooyinkii Taariikhiga ahaa ee iyaga iyo maamulkii Guumaystaha dhex martay. Arinta ku saabsanCiise Muuse GALBEEDsoo qaado sidaย (1)ย ABOKOR CAGALOW,ย (2)ย ISMAACIIL AW-CABDI,ย IYOย (3)SUGULE FAATAXย Ragii abuurayย DAN-WADAAGTA.ย  Dhammaan ragaas qaar kale oo ka sii darnaa oo ku jiray dhammaan qabaaโ€™ilka JSL, ayaa waxay ahaayeen Madax aragti dheer oo Faylasuufyo (Philosophers) ahaa oo ku dayasho mudan, oo ka xakiimsan Faylasuufyada Dalalka Reer Galbeedka ee sida โ€˜Socrates,ย Aristotle,ย Plato, etc.