Qormooyinkan aynu ugu magac-darnay Hidde-raac, waxa ay bar bilaw u yihiin qoraallo door ah oo faaqidaya suugaanta kale geddisan ee uu curiyay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ka mid hal-abuurrada iyo qoraayada dhallinyarada ah ee Somaliland, oo tiriryay maansooyin ka hadlaya dhinacyo kala geddisan oo nolosha ah.
Gabaygan aqooni waa ilays ee ugu horreeya taxanaha hidde-raac:hilin-sooyaalkaย iyo hawraartaย Siciid Maxamuud Gahayr, waxa uu hal-abuurku kaga waramayaa aqoonta qiimaheeda iyo qaayaheeda badan , iyo sida ay lagama maarmaan u thay barashadeedu , waxa kale oo uu ku tibaaxayaa jahliga iyo edadafkiisa, taas oo uuย ka eegayo horumarkaย cilmigu, isaga oo cuskanaya aayado quraan ah iyo axaadiis shariif ah,
ย waxaanu yidhi.
Afku wuxuu tibaaxaa xogtii, uurku kaydsadoโe
Intihoodka shaygaad rabtaad, eray ku qeexdaaye
Uunyahaw abbartaydan daya, ararna soo dhaafa
Jahli waa abaar baahsan iyo, omosyo jiilaale
Mugdigay asxaab wada yihiin, ehel wadaagaane
Ambabaxa dad wuu kala taga,a aabbo iyo wiile
Eddadaa fariintay dirtiyo, deexo odayadeedba
Haddii aan awooddaadu karin, dhuuxa ubucdooda
Iin weeye xaajiyo sirtii, aad asturahaysay
Ood ummdada gaadhsiisidoo, lana ogaadaaye
Akhriskoo laguu fiiriyaa, waa indho laโaane
Waxa horumar aasaasa oo, qaran adkaysiiya
Asaaggood waxaa dhaafin kara, kana awaaraynba
Aqoontiyo darkeedoon, kolnaba laga ilduufayne
Anfaceedu waa tuulan yahay, aayaheeduba e
Waa edadaf tii biinaysee, oodda kaa rogiye
Ilays weeye kuu laacayiyo, nalal iftiin wayne
Waa ilo xareed soo rogoo, oon ka ciidama e
Waa iliilad maan caawisoon, kana istaagayne
Waa ayro geeloo dhashoo, abid irmaanaane
Iniin weeye biqilkeed gob yahay, ubaxna soo saarta
Anshaxaaga waa tii bishee, toosin edebtaaye
Irrid weeye laga galo samaa, awdda xumayaale
Ammaaniyo wanaag yeelo buu, yahay odhaahdeede
Eexdiyo waxay diidaysaa, iin qabiil dhaloโe
Ehelkeedu waa hayb wanaag lagu asteeyaaye
Arligooda waa qaar waxtara, oo abaal guda e
Dhaqaaluhu markii uu itaal, iyo awood beelo
Sicirbaraku goortuu unkamo, ee ibtilo yeedho
Hurgumada waxaa aasi kara, ruux aqoon u lahe
Aafaadka cudurkii hadduu, aagag ka dillaaco
Allaheen gadaashii digtoor, yaan u orodnaaye
Aqal dhisida aalado casriya, laydhka agabkiisa
Injineerka doorkiisu waa, lama illaawaane
Arrimaha shareecada haddii, loo ilbixinaayo
Culimada afkooduu Raxmaan, nagu ilhaanshaaye
Itaaliya hadduu joogo iyo, Ayrishkiyo Kuuba
Iiraan haddii uu ka dago, dhulal Imaaraada
Ingiriisi ruuxii bartaan, abid qaloonayne
Alxamduda haddii aanad baran, alif illaa nuunka
Inkastood aroortiyo habeen, oogtid faralkaaga
Salaaddaan marnaba kaa ansixin, oon aqbala noqone
Eebbada sideedii marbaad, aar ku gudataaye
Ooy cadawga oofaha jartaa, kaa arjumaysaaye
Aminta iyo goortuu Jabbaan, amar ku taagleeyay
Aasiya kolkii uu ku fiday, aagaggaas bariga
Beeral waaki Axad weeraree, eeday kibirkiiye
Waxa adhaxda laba qaar ka dhigay, oofna ka wareemay
Atamada yuraaniyam raggii, soo adeegsadaye
Dabadeed abaabulid saxiyo,ย ย himilo aadoo dhan
Uurkoodi goortuu tashaday, idil ahaantoodba
Ee ay ilaaqdii lasheen, erayadii beena
Ee ubax tacliimeed mar kale, olole loo qaaday
Nagasaak dib baa loo alkumay, lana ahaysiiye
Intay fooq alluubeena waad, la ashqaraartaaye
Inaguna haddaan guul asala, uurka kala guuxi
Illinkaas inaan wada marnaa, waa hal eeg marine
Urursada tacliintoo xafida idil ahaantiiba
Shar ninkii amaamudayay baa, eeda goor darane
Ruuxii abqaalaan duruus, eedahayn sabane
Inanka iyo gabadhii la rabo, inuu ilwaad yeesho
Anfac iyo qofkii lala damcuun, aayatiin hiraya
Waa ayga loo foofiyuun, arahda waabariye
Ufada iyo fooruhu wuxuu, samada uugaamo
Onkodkaas dayaamaa wuxuu, naga dul eedaamo
Wakhtiguu ibaa soo furto, ee abshiri hoorto
Doogyada udgoonbaa judhii, soo awaal baxa e
Ardaygii wax lagu soo tabcoo, erayo loo sheego
Eedaadna uu soo samroo,ย ย jiidho oogahana
Bulshadiisa amin buu u noqon, udub dhexaadkiiye
Madaxnimo kolbaa astayn, lana adeecaaye
Agaasime marbaa loo suntaa, aaday heer kore e
Ixtiraam maruunbuu helaa, sharafna ootaaye
Urursada tacliitoo xafida idil ahaantiinba
Islaamnimadu way dhiirisaa, agab tacliimeede
Aayaadku siday qeexayaan, ruux aqoonyahana
Iyo jaahilkaan la is ag dhigin kala ishaar dheere
Illimada waxbarasheed qofkii, ku amaba qaadaaya
Iridaha janneed buu Casiis,ย ย aad yar mariyaaye
Shiinaha haddii lagu ogyahay, waabaย ย arad dhaw we
Nabigeeni ururshuu na yidhi, hana illaawina e
Cilmi aayar lama koobsadoo, waaย ย amuur culuse
Eel iyo waxaa loo wajihi, goob argaagaxa e
Anfariir in loo qaabilana, wuu istaahilaye
Siduu yahay alaabada dukaan, iibka gali waaye
Urursada tacliintoo xafida, idil ahaantiinba
Adduunyadu mar bay kaa luntaa, amin la waayaaye
Mawjado afuufaa bad-goosh, kaga asqaysiine
Adhigaagu wuu madhan karaa, wada idloobaaye
Aaqoontaase way kula jirtaa, abid dharaaraaye
Kolkad ugub tay ee aynigaa, ibo bilaabmaayo
Ama aad islaamiyo tihiin, oday daโ liicaaya
Ee aad ulaa raadsataan, socodna iimoobo
Intaan iilka loo guurin wali, aad ifkana joogtid
Ee aadย ย ku afar qaadaysaan, oogadan dunida
Urursada tacliintoo xafida idil haantiiba
ย Khadar Maxamed Faarax Rooble
khadarmfr@gmail.com,ย khadarmfr@hotmail.com