Gabaygan waxa tiriyay abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, taariikhdu markay ahayd Ogos/2005ta, waxa uu kaga waramayaa goynta,garaacidda;iyo gubidda geedaha goor walba lagu hayo, wanaaga geedaha iyo waliba cawaaqib xumada laga dhaxlo jaridda geedaha, ugu dambaynna wuxuu baaq u dirayaa bulshada guud ahaan madax iyo mijaba, isaga oo ku guubaabinaya in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta deegaanka ,
Abwaanku wuxuu yidhi:
Tixo gaaxsanaayoo in badan, iga dhex guuxaayay
Gurxan igu dadnaayoo beryahan, gibil an saaraayay
Gaaddadu hal ay haysay baan, soo gambiyayaaye
Gudcur madow iftiin iyo caddiyo, labada gooroodba
Galin hore illaa duhur dhaxaad, guure iyo laylba
Waagii guduutaba dhirtii, waa la guarayaaye
Gudin iyo waxaa lagu jaraa, daabab gaamuraye
Golxob baa intaas lala dhacaa, laguna gooyaaye
Faash baa guntuun siiba oo, lagu garaacaaye
Gacan aan naxaynbaa intaa, oog ku gawriciye
Galoolkii dhib baa haysatoo, gulufyo loo saarye
Qudahcii darbaa gubahayoon, daaya garanayne
Maraagii dar baa gaabshayoon, galabna dhawrayne
Rag garaadka laga qaadayoo, gini u rooraaya
Oo ganacsi doonaa arliga, gelelafaayuune
Gadbadiyo waxay mooriyaan, gaadhiyaal kidha’e
Giintaallo iyo joonyaday, soo gimgimayaane
Ficil aan gudboonayn ayay, gawda ku hayaane
Dogobkii gaboobee fuqaa, oog la geliyayaaye
Gu’giisuba mid uu koobanyoo, loo hadh galis doonto
Oo guudka dhaameel ku loo, soo gandoodsamaya
Gaf weeyaan waxay ugu tagaan, way gurracanyiine
Goodhiyo haddii ay furtaan, gaasta lagu iibsho
Ama ay gasiin keenayaan, gaajo bixinaaya
Gogoshiyo haday soo raraan, garamo jaad jaada
 Garawgiyo hadday beerayaan, gaalley lagu reeyo
Guul bay ahaan layd nacfiya, waa gobnimo wayne
Gunnimay xambaarteen haddeer, way gar daranyiine
Guhaad bay mutaysteen canaan, laguna guulguulye
Waa niman gundhada jeel ku wacan, iyo Guwaantaame
Waa niman garnayl lagu ridoo, leebab lagu gano’e
Geeduhu wanaaggay taraan, aadmi wuu garane
Gaafkiyo aroosyada markii, gabadh la hoynaayo
Dhig giraana cawsyada gudaha, udub gargaaraaya
Gabboodkeena weeyaan hurdada, aan ku gamanaaye
Gomoshaagu waa midho la cuno, oo jidiin guro’e
Gumartaa dawaayoo xoqado, goohtir waw tahaye
Gegadii an daaq layn biyuhu, way ka gororaane
Xareeddaa ka guurtoo arlada, galalac seegtaaye
Gudguguhuba wuu dhaafayaa, kana  gudbaayaaye
Badda guuxda bay aadayaan, gooshka socodkaaye
Gagadii an kayn layn nafluhu, wuu ka geeddiyiye
Ugaadheenni way gooshtayoo, guurtay badideede
Goraygeenni wuu suudalaa, gadafka fiicnaaye
Gerigina socdaal amin horoo, goodir muu hadhine
Garanuugti way dhooftayoo, dhimay gol wayniiye
Wuu gaba gabooboo biciid, lagu gabraar waaye
Guunyadu ma noolayaan, geedka oon jirine
Geelaa inoo daaqa oon, godol ka maalnaaye
Garadiyo rideennaa ku ladan, kuna garaaryasta
Laxo gorod madow baa intaa, gawska ku cunuune
Lo”da geeska dheer buu u yahay, soor gasiin wacane
Gaadiidku kama maarmi karo, iyo gammaankeenu
Inagana markay dabar go’aan , guul darraa dhalane
Galbashiyo jab baa iman khatara, geeri badataaye
Doqonkaa dharaartii gamoon, aan gilgilanayne
Guruxyadu markii ay arkeen, khayrkan soo gudhaya
Geedahan la xaaqaayo ee, guusay nacabkeennu
Gumaadkaas gobkii laynayeen, gacal u doodaynin
Geerida xadkeed dhaaftay iyo, soo gunaanadanka
Gamta loo istaagiyo xasuuq, gaadis lagu biiyo
Gocondhada la jaarteen kolnaba, laga garaabaynin
Goldalooladaas baahdayeen, cidi gufaynaynin
Gartay weeye qoomyahaw inaan, gabay sameeyaaye
Waxaan baaqyo gaadhsiinayaa, gebi ahaanteene
Madaxwayne gaadh laga hayoo, gaadhi lagu qaado
Wasiirrada intii gudo ku sugan, ama galbeed aadday
Baarlamaanka goonyaha dalkiyo, jooga garabkayga
Guurtida u heegana xalkee, talo gorfaynaysa
Golayaasha qarankee hoggaan, guudka laga saaray
Xisbiyadan guntigu dhiisha yahay, ee kursiga goobi
Sheekhyada guddoonka u ahee, gudaya diinteenna
Jaamici goboo raba inuu, gobolkan taageero
Inta haayad gooshaysa ee, gaal leh iyo muumin
Dhallinyarada guga noo kacdiyo, geesiyada maanta
Gaashaanka kuwa noo ahee, gaas leh iyo boolis
Geeljire halaa raaca oo, gorof ku heensaysan
Gadh intii leh gaban iyo caruur, doobab gololgoolay
Gambaleeyda bilistee duruuc, iyo garays qaata
Gabdhihiyo haweenkaas guryaha, gagada noo jooga
Guban kii dawaafiyo midkii, golis dul meeraaya
Guryosamo ninkii taagan iyo, guudka Darar wayne
Kii gamasanee sexdayee, gabay xilkiisiiba
Iyo kii guclaynee rucliyo, gaabin orodkiisa
Giddi uunka Soomaaliyeed, goob kastuu yahayba
Guubaabadaydani dhugtoo, geliya laabtiinna
Gunta waanadaydoo xafida, gabi ahaanteedba
Haddii aan gafuurkiyo la qaban, gaarakaa madaxa
Belaayada gondaha laguma dhago, waanay gudubtaaye
Garab garab haddayn noqono, iyo gooni kala maagta
Gacmaheenna xooggaa ka tagi, waanay talax gabiye
Gabaahiir sidedii arliga, xaaluf wada gaadhye
Dhulki wuu gaddoomoo dhawaan,  wuu goblamayaaye
Gawaan iyo wuxuu noqonayaa, goobo lama dego’e
Gurmad iyo wuxuu kaa rabaa, inad gargaartaaye
Geestaada yaan looga dhicin, giiji dhinacaaga
Qof kastoow bartii kula gudboon, hawsha ka guddoonso
Godka awd bannaanaadayoo, bii gobtahanyadanna
Isu geeya muruqiinna oo, guuto qudha yeesha
U daruura gaashaan kuwaas, guridda caadaystay
tebinta iyo tifatirka Axmed-yaasiin C/Raxmaan Axmed