Xukuumadda Somaliland oo qaaday olole culus oo ku wajahan Talaabooyinka Horumarka iyo hiigsiga Aqoonsiga

0

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo socdaal diblomaasiyadeed ugu kicitimay Cariga Maraykanka ayaa labadii maalmood ee ugu denbeeyay (Isniin iyo Salaasa) kulan wadareed iyo kulammo gooni ah la galay Danjirayaasha sida joogtada xubnaha uga aha Gol;aha AmaankaΒ ee kale ah Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha magaalada New York.Β Waxaa kaloo wasiirku kulamo kuwaa la mid ah la yeeshey wadamada Koonfurta Afrika iyo Gaaboon oo labaduba hadda xubno ka ah Golaha Ammaanka. Dhinaca kale wuxuu Wasiirku kaloo la kulmay safiirada wakiilka ka ah wadamada Norway, Masar iyo jarmalka.

Wasiirka oo warbaahintu caalamku wax ka waydiisay ujeedada sicdaalkiisa wuxuu ku jawaabay “Kulamadana waxaanuΒ kaga hadalayΒ qaddiyadda Siyaasada eeΒ Somaliland iyo xaalada amaanka iyo baahida iskaashiga ee Somaliland ugu baahan tahay beesha caalamaka. Waxaanu xubnaha golaha u gudbinay warbixintaΒ ka hadalaysa xaaladda dhabta ah ee Somaliland oo dhinacyo badan taabanaysay. Waxaanu horeΒ xukuumad ahaanΒ uga codsanayΒ Golaha Ammmaanka dhawr todobaad ka horΒ inaanu siino xog-waran khaas ah ooΒ la xidhiidhaΒ SomalilandΒ Β Β  ka hor inta aan shirwaynaha golaha iyo shir-sanadeedka guud Jimciyadda Quruumaha ee madaxwaynayaashu oo bilaabmaya todobaadka soo socda, si warbixinta Somaliland ay saamayn ugu yeelato shirwaynaha, oo la filayo in qodabada laga hadlayo sanadka ay ugu wayn yihiin arrimaha khuseeya Geeska Afrika ee ay Somaliland ka midka tahay”.

kulankan oo muujiya in isebedel wayn oo horumar ka muuqdu ku yimid siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo wadashaqaynta Somaliland iyo Golaha Amaanka oo aan hore shir noocan oo kale ah aanu u dhexmarin. Waxaa la filayaa inuu wax ka bedelo fikirkii ay hore golayaasha caalamku uga qabeen Somaliland. Waxayna arintan mar kale muujisay in duniduΒ siinayso Somaliland fursadΒ ay ku hesho in la dhagaystoΒ garnaqsigoodaΒ siyaasadeed.

Press Office,

Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Isaashiga Caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Soomaaliland.