Hargeysa ย (SLpost)- Isku-xidhka Ururada aan Dawliga ahayn ee Xuquuqal-Insaanka Somaliland ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inay faraha kala baxdo hayโaddaha garsoorka dalka oo ay sheegeen inay bilihiiu u dambeeyay culays aad ah saartay.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha isku-xidhka ururrada aan dawliga ahayn ee Xuquuqal Insaanka Maxamed Cabdalle, waxa waaxda garsoorka loogu baaqay inay si madax-bannaan u gutaan wajibaadkooda qaran ee ay umadda u hayaan, โWaxa isku xidhku halkan baaq uga dirayaa Golaha fulinta Somaliland (xukuumada) kaas oo la xidhiidha inay faraha kala baxaan arimaha garsoorka oo ah hayโad ka madax bananaan waaxda fulinta, kormeerayaasha xuquuqda aadanaha waxay diiwaan geliyeen in labadii todobaad ee ugu danbeeyay xukuumadu culays dheeraad ah saaratay arimaha garsoorka iyagoo ku andocoonaya waxa dalka ka jirta cadaalad daro baahsan, sida muuqata arintan oo kale waa mid saamayn ku yeelan karaysa goโaamada ka soo baxaya garsoorka,โ ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.
โIsku xidhku wuxuu ku boorinayaa waaxda garsoorka iyo hawl wadeenadeeda inay shaqada ay umadda u hayaan ilaahay kaga cabsadaan isla markaana aanay u nuglaan faragelin kastoo kaga timaada cid ka baxsan xayndaabka garsoorka.โayaa war-saxaafadeedkan loogu baaqay waaxda garsoorka dalka.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net