Maxamed Saleebaan Oo beeshiisu u Xulatay inuu noqdo Murashaxa Kaliya ee Beel ahaan uga qayb-galaya tartanka Doorashada Golaha Deegaanka Berbera

0

Berbera (SLpost)- Shir ay isugu yimaddeen wax-garadka, aqoonyahanka, Culimo aw-Diinka iyo Dhalinyarada Beesha Abokor Ciise oo ka tirsan Beelaha Ciise Muuse ee Aqlabiyadda deegaamada Gobolka Saaxil, ayaa lagu goโ€™aansaday in murshax Maxamed Saleebaan Cali uu ahaado murshaxa kaliya ee ay meel ahaan u soo xuleen tartanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee magaalada Berbera.

Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal lagu soo koobay goโ€™aamada ka soo baxay shirka beeshu ku tashatay in Murshaxani yahay shakhsiga kaliya ee beel ahaan ay u soo xuleen doorashada Golayaasha Deegaanka degmada Berbera.

Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan:

โ€œWaxay Beeshu Isku Raacday In Mudane Maxamed Saleebaan Cali Ay Beeshu U Xushay Inuu Noqdo Xildhibaanka Kaliya Ee Beesha Uga Tartami Doona, Beesha DhexdeedaWaxaa Ka Tartamay Dhawr Xildhibaan Waxaase Ku Guulaystay In Beeshu U Xusho Musharaxa Golaha Deegaanka Uga Tartami Doona Magaalada Berbera Mudane Maxamed Saleebaan Cali Ka Dib Markay Beeshu Qiimaysay Cida Ku Haboon Ee Booskan Buuxin Karta , Haddaba Markii Beeshu Ku Qanacday Oo Ay Eegtay Aqoontiisa , Kartidiisa , Dadnimadiisa Ay Beeshu Shaki La’aan Ku Qanacday Oo Mudane Maxamed Saleebaan Cali uu Hanan Karo Xildhibaanimada Golaha Deegaanka Ber-bera .

Gabagabadii Shirka Waxay Beeshu U Ducaysay in Ilaahay SWT Ku Guuleeyo Xilka Uu U Tartami Doono Waanooyin Badana U Jeediyay Haddi Ilaah Xilka Ku Guuleeyo .

Haddaba Waxaynu La Soconaa In Golihii Hore Ee Deegaanku Uu Noqday Fadhiid Kuna Caan Noqday Dhul Boob Iyo Hanti Urursi Oo Shicibkii Soo Doortay Ku Hungoobeen , Haddaba Mudane Maxamed Saleebaan Cali Waa Nin Dhalin Yaro Ah , Karti Badan , Da’daal Badan Illahayna Ku Munaystay Dulqaad Iyo Deeqsinimo Waa Khabiir Muddo Ku Soo Jiray Saxaafada Isaga Oo Ahaa Agaasimaha Shabakada Calaamiga Ah Ee almisnews.info , Waxaa Kale Oo Uu Ahaa Ciyaartooy Caan Ka Ah Gayiga Somaliland Waana Nin Aqoonta Maamulka Iyo Maaraaynta Ku Wanaagsan , Haddaba Mudane Maxamed Saleebaan Cali Waxaa La Filayaa Inuu Wax Badan Wax Ka Qaban Doono Arimaha Bulshada Sida Ciyaaraha , Waxbarashada , Caafimaadka Iyo Nadaafada Iyo Waliba Horumarinta Saxaafada , Waxaa Kale Oo La Filayaa In Dhalinyarada Bilaa Camalka Ah Uu U Samayn Doono Shaqooyin Ama Garoomo Ay Ciyaaraha Ku Cayaaraan Si Ay Uga Joogsadaan Tahriibka Ama Mukhaadaraadka Sida Jaadka.”

Wa Bilaahi Tawfiiq

ย Allah Mahad Leh

Odayaasha , Waxgaradka , Aqoonyahanka , Culima-aw-diinka iyo

Dhalinyarada Beesha Abokor Ciise