Fogaan-Aragga Wasaarada Maaliyada iyo Fashilaadda Farsamooyinkii Wax Lagu Fuuqsan Jiray! – W/Q: Ahmed Ali Aden, UK

0

Wararka hordhaca ama ceelalyada ah ee ka soo baxaya dadka xog-xogaalka u ah hawlaha wasaarada maaliyada ayaa tilmaamaya in isbedel weyni ku yimid dakhliga soo gala wasaarada maaliyada 4tii bilood ee u danbeeyay. Waxaa rajo wanaagsan laga qabaa in ku talo-galka miisaaniyada ee sanadkan 2012ku ay dabooli doonto dhamaan qorshayaashii iyo odoroskii ku jiray markii miisaaniyada la samaynayay dhamaadkii sanadkii hore ee 2011kii.

Khudbaddii Madaxweynaha ee uu habeenkii Ciiddul Fitriga kala hadlay TV Qaranka dadweynaha Somaliland waxa uu carabka ku dhuftay in Somaliland ay ku filantahay inay daboosho baahida dadka iyo dalkuba ay u qabaan adeegyada dadka ka taageera inay nolol fiican ku noolaadaan, haddii si fiican loo nidaamiyo. Waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in Somaliand khayraadkeeda iyo hantideeduba ay ku filan yihiin dhamaan dadweynaha Somaliland oo dhan. Hadalkan madaxweynuhu waxa uu yimid xili ay wasaarada maaliyadu soo hoysay lacago badan oo kasoo xerooday dhamaan kastamada cashuuraha ee dalka.

Dakhliga badan ee soo xerooday waxa uu ku yimid dedaal badan oo ay sameeyeen maamulka iyo shaqaalaha wasaarada maaliyadu iyagoo la kaashanaya hay’adaha kale ee dawlada iyo dabcan ganacsatada Somaliland ee diyaarka u ah inay ka qayb qaataan horumarka dalka.

Iyadoo wasaarada maaliyadu ku shaqaynaysa siyaasada dhaqaalaha ee madaxweynaha ayaa waxay qaaday talaabooyin cusub oo kor loogu qaadayo dakhliga iyo miisaaniyada dalka. Waxa talaabooyinka ka mid ah sidii ay dhamaan wasaaradaha dalku isaga xil saari lahaayeen ilaalinta dakhliga soo gala iyo soo xeraynta dakhligaasi marka la gaadho wakhtiga ay wasaarada maaliyadu u qabatay. Wasaarada maaliyadu waxa kale oo ay nidaam cashuureed hufan u samaysay beeralayda dalka iyadoo la kaashanaysa wasaarada beeraha iyo maamulkeeda. Waa markii ugu horeysay intii ay Somaliland jirtay ee nidaam noocan oo kale loo sameeyo beeralayda dalka.

Dhinaca kale, iyadoo ka shidaal qaadanaysa siyaasada madaxweynaha ee dhinaca horumarinta adeegyada lagama maar-maanka u ah horumarka dalka waxay waasarada maaliyadu qorshanaysaa mashaariic horumarineed oo cusub in lagu soo daro miisaaniyada sanadka cusub ee fooda inagu soo haya. Madaxweynaha iyo wasaarada maaliyadu waxay ku dedaalayaan in mashaariicdaasi aanay noqonin kuwii lagu sheegi jiray miisaaniyadihii dawladii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee lagu magaaci jiray hawl-galada dawlada.

Waxa kale oo ay wasaarada maaliyadu olole xoogan ku qaaday farsamooyinkii lagu fuuqsan jiray ilaha dhaqaalaha ee dalka. Kooxda loo bogay ee loogu magac daray kooxda kordhinta dakhliga ee wasaarada maaliyada ayaa habeen iyo maalinba kormeero aan kala joogsi lahayn ugu jibaaxa kastamada iyo ilaha kale ee dhaqalaaha dalka oo dhan. Waa koox aqoon iyo xirfad dhaqaale lagu soo doortay oo dhamaantood kasoo shaqeeyay shaqooyin la xidhiidha cilmiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka. Waa koox kormeero kadis ah oo aan hore loo sii ogayn ku taga marba halkii ay doonaan. Waa koox mar-marka qaar kastmada ay booqdaan la jooga muddo 7 cisho ah si ay u eegaan faraqa u dhaxeeya dakhliga todobaadka ay joogeen iyo dakhliga todobaadkii hore ee aanay joogin.

Fogaan-araga khubarada dhaqaalaha ee wasaarada maaliyada ayaa sas iyo arga-gax ku riday dadkii ku noolaa farsamooyin muddo dheer soo jiitamayay oo lagu maali jiray naas irmaan oo loo qaatay inaanu marnaba gudhayn. Farsamooyinka wax lagu qaadan jiray waxay ahaayeen qaar isku xidhan oo aan si dhib yar xiddida loogu siibi karayn, laakiin wasaarada maaliyada oo ku shaqaynaysa nidaamka la dagaalka musuq-maasuqa ee madaxweynaha ayaa bilawday baadhitaano xeel-dheer oo lagu darsayay meelaha wax la mariyo iyo xeeladaha wax lagu qaato oo qaarkood gaadheen in heshiisyo ay dhex-maraan ganacsatada cashuuraha bixiya iyo shaqaalaha kastamada qaarkood.

Kor u kaca dhakhliga wasaarada maaliyada waxa kale oo ka marag kacay khubaro ka socotay baanka adduunka oo dhawaan shirk ku qabtay Hargaisa. Waxay sheegeen in lacagta kasoo xerootay kastmada qaarkood gaar ahaan kastamka dekada Ber-Bera uu six xad-dhaaf u kordhay.

In kabadan kala-badh oo bulshada Somaliland ka mid ah ayaa aaminsan in dedaalka shaqalaaha iyo maamulka wasaarada maaliyadu uu yahay mid muuqda isla markaana ay wasaarada maaliyada gacanta ku hayaan dad la aamini karo oo aad u fir-fircoon.

Ahmed Ali Aden

Birmingham

UK