Gobolka Faafan waxaa degaan ku ah ilaa 15 qabiil inkasto ay ku kala badan yihiin, waxanu gobolku ka kooban yahay 11 degmo iyo 3 Maamul Magaalo, degmo walba waxa ugu sareeya gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka halka maamul magaalooyinka ugu sareeyaan maayarka iyo maayar ku xigeenku taas oo isku darkooda ka dhigaysa 28 xubnood.
Dhanka saamiga waxaa gudoomiyeyaasha iyo gudoomiye ku xigeenada lagu qaybsadaa sida loo kala qabaleeyo iyo santaro badan yahay.
Waxa uu cilmi weyn ku jiraa sida Beesha ISAAQ oo gobolka ugu dhul weyn marka loo eego khariiradaha caalamiga ah ee la daabacay, isla markaana dad ahaan ugu badan sida ku cad doorashadii 2021 ka dhacday deegaanka hadana lagu sameeyay nidaamka qaybi oo xukun ah (Divide & Rule ama Divide et impera ) isla markaana sidaas ay ku noqdeen beesha ugu gudoomiye xigeen badan degmooyin kale, halka dhamaan beelaha kale ee gobolku aanay aqbalin in dhulkooda la googooyo, la qaybsado oo deegaano kale lagu kala daro ama laga xukumo.
Nidaamka (Divide and rule) oo qodob siyaasadeed caalami ah ayaa loo isticmaalaa in qurubyo loo kala jabiyo cidii laga cabsi qabo cududooda, deegaankooda, dhaqaalooda iyo kaalintooda siyaasadeed, waxaana hore loogu soo tijaabiyay Qaarado, wadamo, Bulshooyin, Qabiilo oo dhamaantood nidaamkani guuldaro u horseeday.
Beesha ISAAQ ee gobolka faafan waxay nidaamkan qurubyada loogu qaybiyay ku waayeen gudoomiyaha gobolka oo ay xaq u lahaayeen, ugu yaraan laba xildhibaan Federalka oo ay xaq u lahaayeen iyagoo noqday beesha kali ah ee aan lahayn xildhibaan Federal ah hadana gobolka ugu cod badan, waxaana xiiso gaar ah leh inay yihiin beesha kali ah ee u codeysa dhamaan afarta xildhibaan ee kasoo baxa goob doorashoyinka Faafan (Arabi Constituency, Kebribayah Constituency, Jigjiga1 Constituency, Jigjiga2 Constituency)
Waxa sido kale kale nidaamkan loo dajiyay ku waayeen ilaa sadex wasiir oo ay xaq u lahaayeen, waxay ku waayeen Gobol ay xaq u lahaayeen, waxay ku waayeen degmooyin badan oo ay xaq u lahaayen. Bal ka waran dadka deegaanadoodii inta degmooyin kale loo qaybiyay hadan la odhan dhul degmo la idinka dhigo ma lihidin!
Mida ugu daran oo iyana cilmi weyn ku duugan yahay ayaa ah in qaybsanaantu u horseeday in qabaleeyada ay degmo walba ay ka degaan noqdaan kuwa ugu liita uguna dib dhacsan xaga Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarka, Biyaha heer ay gaadhay in xataa shaqaale hoosaadka looga keeno deegaano kale iyagoo dhalintoodii bilaa camal tahay.
WARBIXIN BY Ogaal Medai