Xildhibaan Sir Gavin Williamson ayaa Aqalka hoose ee Baarlamaanka Boqortooyada UK ku weydiiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka David Lammy, mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan taageerada ay siiso dowladda Somaliland si ay ula dagaallanto argagixisada.
Xildhibaan Walliamson oo ka mid mudaneyaasha baarlamaanka UK ee taageera Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland, waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda u sheegay sheegay inay Somaliland tahay dowlada kaliya ah ee dimuqraadiga ah ee ka jirta Gobolka Geeska Afrika, sidaas awgeed ay mudan tahay in lagu garab-joogto Horumarka ay ku tallaabsatay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK David Lammy oo ka jawaabay su’aasha xildhibaanku waxa uu si cad u ballanqaaday inay xukuumad ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqayn qoto-dheer ee labada waddan, isagoo xusay in muhiimadda koowaad ay tahay ka hortagga halista kooxaha argagixisada ah.
Dhanka kale, Xildhibaan Sir Gavin Williamson ayaa qoraalka uu bartiisa X ku baahiyey ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ballanqaadka uu ka helay Xoghayaha Arrimaha Dibadda oo uu ku adkeeyay in Somaliland u baahan tahay taageero si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida Gobolka.