Ciidanka Booliska Oo Gacanta ku Dhigay Eedaysane Loo Haysto Dilka Marxuum Caawa Hargeysa Lagu Dilay
Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda, ayaa shaaciyey in hawl-gal ay ciidamada Boolisku sameeyeen caawa lagu soo qabtay Eedaysane loo haysto Dilka marxuum Guuleed Maxamed Yuusuf oo lagu dilay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey Ciwaanada Baraha Bulshada ee Ciidanka Booliska Jambuuriyadda Somaliland.
Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska, ayaa qornaa sidan:-
“Ciidanka Booliska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Eedaysane Yaxye Maxamed Abees oo caawa fiidkii ku dilay Marxuum Guuleed Maxamed Yuusuf, dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa .
Ciidamada ayaa sameeyay hawlgal iyo dedaal waxaana eedaysanaha lagu qabtay Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada.
Eedaysanaha waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka.” Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraalka Ciidanka boolisku baahiyey.