“Haddii Ay Somaliland Dilaaliin Xukumaan, Dalku Xasilooni Heli-maayo”- Siyaasi Axmed Cabdalle-DIGAALE

0
Aqoonyahan Axmed Cabdalle Digaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee qurbo-jooga ah ayaa tilmaamay in reer Somaliland dhammaan noqdeen hanti ma guuraan ah oo u dhaqma sidii dhex-dhexaadiye,isla markana waxa uu shacabka reer Somaliland ku war-geliyey in cidkasta oo dilaal noqotaa inaanay dal u dhisi Karin.
 
Siyaasi Axmed Cabadalle ayaa qoraal kooban oo ku cabirayo aragtidiisa ku waajahan xaalada siyaasadeed ee Somaliland waxa uu heegay in ka shaqeynta dilaalnimadu ay leedahay shuruudo iyo kaantaroolo sharci ah oo ay tahay in lagu dhaqmo, haddii kale ayuu yidhi; “Shaqada iyo dakhliga ku jira waxay noqonayaan mamnuuc ama shaki”.
 
Siyaasi Digaale oo qoraalkiisa ku faah-faahinaya cawaaqib xumada xukunka dilaalinta Somaliland ku yeelan karo xasiloonida dalka waxa uu u dhignaa sidan:
 
“Haddii dilaallin Somaliland xukumaan,dalka xasilooni ka heli maayo. Marka Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-CIRRO) uu noqdo dhexdhexaadiye.Marka koofiyad baclayaasha beelaha ISAAQ, Somaliland noqdo hanti ma guurto ah dalka ku taal.
Haddii warbaahintu noqoto Dhexdhexaadiye, Haddii ay dawladda Somaliland noqoto dhexdhexaadiye, reer Somaliland waxay noqdeen hanti ma guurto ah. Marka ciidamada madaniga ahi ay u dhaqmaan sidii dhexdhexaadiye, Sidee bay noqon lahayd in guri laga dhiso Somaliland?
Ka shaqeynta dilaalnimada waxay leedahay shuruudo iyo kaantaroolo sharci ah oo ay tahay in lagu dhaqmo, haddii kale shaqada iyo dakhliga ku jira waxay noqonayaan mamnuuc ama shaki.
 
Sidaa daradeed waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland haddii cidkasta dilaal noqdaan dal ma dhisi karayaan,”ayuu Siyaasi Axmed Cabdalle Digaale ku yidhi qoraalka uu soo saaray oo warbaahinta HargeisaToday soo gaadhay.
HargeisaToday.com