๐“๐จ๐จ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š: ๐ƒ๐ข๐ฅ๐ฅ ๐’๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ-๐๐š๐ซ๐ซ๐จ ๐š๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐ข๐›๐ญ๐ž๐ž๐๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š

0

๐‘ธ๐’๐’…๐’๐’ƒ๐’Œ๐’‚ 25๐’‚๐’‚๐’… ๐’†๐’† ๐‘ฟ๐’†๐’†๐’“๐’Œ๐’‚ ๐‘ช๐’Š๐’’๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’•๐’‚ ๐‘ด๐’Š๐’๐’‚๐’•๐’‚๐’“๐’Š๐’ˆ๐’‚ waxa uu si qoto dheer u qeexayaa xukunka dilka ee ciidamada qalabka sida, isagoo muujinaya sida ay ciidamada ugu dheggan yihiin nidaamka, sharciga, iyo anshaxa ciidan. Xukunka dilka waxa uu leeyahay laba nooc oo farriimo sharci, anshaxeed, iyo shucuur leh:

๐‘ป๐’๐’๐’ˆ๐’‚๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ณ๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’•๐’‚: Waxay astaan u tahay ixtiraam iyo fulinta xukun si insaani ah, iyadoo la dhowrayo sharafta qofka la xukumay.

๐‘ป๐’๐’๐’ˆ๐’‚๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ซ๐’‰๐’‚๐’ƒ๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚: Waxay calaamad u tahay sharaf-dhac, ceebayn, iyo ka saarid sharafta bulshada iyo ciidamada.
Ciidamada qalabka sida waxay ku shaqeeyaan nidaam adag oo ku salaysan anshax, daacadnimo, iyo ilaalinta sumcadda ciidanka. Marka sarkaal ama askari milatari uu si xun ugu xadgudbo xeerarka iyo qiyamka ciidamada, ciqaabta ugu culus ee la marsiin karo waa xukun dil oo ay la socoto darajo ka-qaadis, taas oo lagu fuliyo ๐‘ก๐‘œ๐‘œ๐‘”๐‘Ž๐‘ โ„Ž๐‘œ ๐‘‘โ„Ž๐‘Ž๐‘๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘˜๐‘Ž ๐‘Žโ„Ž. Tani waa ciqaab aad u adag oo xambaarsan micno shucuur, anshaxeed, iyo sharciyeed oo qoto dheer.

๐Œ๐š๐œ๐ง๐š๐ก๐š ๐“๐จ๐จ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐š
Toogashada dhabarka ma aha oo kaliya fulinta xukun dil, balse waa calaamad sumcad dhac ah oo loogu talagalay ceebayn bulshada hortooda. Waxaa loo adeegsadaa si loo muujiyo in qofka la xukumay uu lumiyay kalsoonidii ciidanka, sumcaddii darajadiisa, iyo karaamadii uu bulshada ku dhex lahaa.
25๐’‚๐’‚๐’… ee xeerka ciqaabta milatariga Somaliland waxa uu toogashada dhabarka u arkaa ciqaabta ugu xun xagga sharafta, taas oo si gaar ah loogu talagalay dembiyada culus sida khiyaano qaran, sir bixinta, iyo ka baxsiga waajibaadka dagaal.

๐’๐š๐›๐š๐›๐š๐ก๐š ๐“๐จ๐จ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐๐จ

๐Ÿ.๐‹๐ฎ๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐š๐ฅ๐ฌ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š: Qofka dhabarka laga toogto waxaa loo arkaa mid khiyaamay ciidankiisa, jebiyay ballankii uu qaaday, kana baxay mabaadiโ€™da milatari. Xukunka dhabarka waxa uu muujinayaa in qofkaasi aanu istaahilin in wejigiisa laga hor toogto oo aan loo tixgelin inuu ahaa askari sharaf leh.

๐Ÿ.๐‚๐š๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐š๐ ๐‚๐ž๐ž๐›๐š๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง: Gudaha ciidamada, qofka dhabarka laga toogto waxaa loo arkaa cadow gudaha ah oo sumcad darradiisa la tusayo. Ceebtaasi waxay ka tarjumaysaa dambi culus sida khiyaano qaran, sir bixinta, ama falal kale oo dhaawacaya amniga qaranka.

๐Ÿ‘.๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐…๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ข๐ง ๐ƒ๐ข๐ ๐ง๐ข๐ข๐ง ๐š๐ก:Toogashada dhabarka waxa ay ka baxsan tahay ciqaab keliya; waa cashar la barayo ciidamada kale si ay uga digtoonaadaan falalka lagu ciqaabo sharaf-dhaca. Waxay xoojisaa ilaalinta anshaxa ciidan iyo ixtiraamka xeerarka.

๐‚๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐ข๐›๐ญ๐š ๐€๐ง๐ฌ๐ก๐š๐ฑ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐“๐จ๐จ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š

๐Ÿ. ๐‚๐ž๐ž๐› ๐ƒ๐š๐šโ€™๐ข๐ฆ ๐š๐ก:
Toogashada dhabarka ma aha oo kaliya dil, balse waa sumcad laโ€™aan raacda qofka xitaa ka dib dhimashadiisa. Qoyska iyo ehelka qofka la xukumay waxa la soo derisa ceeb bulsho oo joogto ah, taas oo muujinaysa in falalkiisii la cambaareeyay.

๐Ÿ.๐‚๐š๐ฌ๐ก๐š๐ซ ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง:
Ciidamada kale ee goobta xukunka joogaa waxay markhaati ka noqdaan cawaaqibka khiyaanada, taas oo dhiirrigelisa ilaalinta shuruucda iyo anshaxa ciidamada.

๐Ÿ‘.๐’๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ:
Bulshada dhexdeeda, toogashada dhabarka waxay xoojisaa kalsoonida shacabka ee ciidamada, iyadoo muujinaysa in la ciqaabayo cid kasta oo daciifnimo iyo khiyaano ku kacda.

๐Ÿ’.๐…๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ข๐ง ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐€๐๐š๐ :
Fulinta xukunka noocan ah waxay caddeynaysaa in aanay jirin cid ka sarreysa sharciga, xitaa haddii qofka xukuman yahay sarkaal sare oo ciidan.

Ugu dambayntii Toogashada dhabarka waa ciqaab milatari oo xambaarsan shucuur iyo micno sharaf-dhac ah. Waxa ay leedahay cawaaqib bulsho, sharci, iyo anshaxeed oo dheer. Ciidamada qalabka sida ee Somaliland waxay u adeegsadaan ciqaabtan sidii digniin cad oo muujinaysa in ciidamada looga baahan yahay daacadnimo, xilkasnimo, iyo ilaalinta sharafta ciidan. Xukunka dhabarka waxa uu bulshada iyo ciidamada kale u yahay cashar xusuus leh oo muujinaya muhiimadda ay leedahay anshaxa iyo ilaalinta qaranka.

QALINKA:Gulaid Iidaan