Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu barti-qaaday shirweynaha caalamiga ah ee World Governments Summit oo sannad kasta lagu qabto magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Shirka Dowladaha Caalamka oo maamulkiisu hoostago hay’ad madax-bannaan oo caalami ah, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo qaabayn lahaa hannaanka maamul ee dowladaha Caalamka, iyadoo diiradda la saarayo ikhtiraaca hal-abuurro cusub iyo tiknoolajiyadda si xal loogu helo caqabadaha Caalamka ka jira.
Shirweynaha oo Salaasada Berri ka furmaya magaalada Dubia isla markaana socon doono muddo 3 maalmood ah, waxa ka qayb-galaya kumanaan Ergay oo ka kooban madaxda dalalka Caalamka, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay, Aqoonyahanno, mufakiriin iyo Ururrada Caalamiga ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa shirka ku meteli doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo galabta safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Ajandaha diiradda lagu saarayo Shirweynaha Sannadkan 2025 ayaa hal-ku-dheg looga dhigay “Qaabaynta Hannaanka Dowladnimo ee Mustaqbalka” kaas oo qayb ka ah dedaallo lagu dhiirrigelinayo koboca iskaashiga Caalamka si loo yagleelo afkaar cusub oo xal loogu raadinayo caqabadaha mustaqbalka ku iman kara hannaanka maamulka iyo dowladnimada.