Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Togdheer oo dhawaan safar xaqiiqo raadis ah ku tegay gobolkaasi, ayaa ka dayriyay xaalada xabsiga dhexe ee magaalada Burco oo ay ku tilmaameen in ay ka jirto masiibo biniโaadanimo.
Mudaneyaashan oo xalay u waramayay TV-ga Horn Cable, ayaa xukuumadda iyo hayโadaha ka shaqeeya arrimaha xuquuqda biniโaadamka ugu baaqay in haddi aan si deg-deg ah wax looga qaban ay ka dhalan karaan cudurrada faafa. Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ahaa muddaneyaashan shirka jaraaโid qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay safarkaasi ay dhawaan ku tegeen gobolka Togdheer iyo waxyaabihii ay kula soo kulmeen

โWaxaa uu kulankayagani daba socday safar xaqiiqo raadis ah oo aanu dhawaan ku tagnay gobolka Togdheer, oo aanu ku soo eegaynay xaalada nololeed ta bulsho, xaalada dhaqaale, oo aanu hayโadaha dawlada kula soo kulanay dhul badana aanu soo booqanay oo aanu soo indha indhaynay soona eegnay xog badana soo ururinay baarlamankana u gudbinay.โ Ayuu yidhi xildhibaan Cali.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi; โMeelihii aanu soo marnay waxaa ka mid ahaa xabsiga dhexe ee magaalada Burco, xabsigaa waxyaabihii aanu ku soo aragnay oo aanu ku aragnay xaalad khatar ah oo masiibo biniโaadanimo ah ayaa ka jirta, xabsi gaboobay maxaabiistii ku badatay , caafimaad daro ka jirto, bulaacadihii buuxsameen, 19940-kii la dhisay oo qarka u saran in uu dumo, ayaanu qaylo dhaantiisii soo gaadhsiinay wasaarada Cadaalada oo ah wasaarada ay khusayso qoraalna waanu u soo gudbinay toosna waanu ugu keenay wasaaradii qoraalkaa waxaanu toos ugu gudbinay shir gudoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada oo aanu qoraalkaasi gaadhsiinay madaxwayne ku xigeenka.โ
โJawaabtii wasiirkuna wuu noo sheegay in uu tix gelin badan u hayo in uu u dadaalayo oo uu dadaal badan ka gelayo haday dawlada tahay iyo haday Hayโadaha tahayba oo uu hawl gelinayo kormeerna ku tegayo ayuu noo sheegay, anaguna waanu daba soconaynaa oo sidaas kaga hadhi mayno iyada iyo meelihii kale ee aanu booqanayba, anagoo warbixintii oo dhan u gudbinay baarlamaanka, waxaanu tan ugu horaysiinay ee aanu u doorbidnay waxaa weeye meesha ugu jilicsan ee ugu dhibaatada badan leh oo aanu u arkaynay xataa in ay caafimaad daro iyo cuduro faafaa ay ka dhici karaan xaalada ay ku jiraan , in uu ku dumi karo maxaabiista in aanu qaadi karayn, in aanu meeshii dumarka lahayn, in aanu meeshii caruurta lahayn, markaa baaq baanu soo jeedinay oo qoraalka aanu xukuumada iyo wasiirka u gudbinay kaasi oo xukuumada ku wajahanaa xuquuqda biniโaadamka iyo dadka u dhaq dhaqaaqa ee had iyo jeer hadlana ee ka hadla xuquuqda biniaadamka iyagana waanu u gudbinay.โ Ayuu yidhi Muddaney Cali Xasan Cali Mareexaan.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo isna shirkan jaraaโid ka hadlay ayaa ugu baaqay dawlada, hayโadaha ka shaqeeya arrimaha biniaadanimada, ganacsatada iyo cid kasta oo gacan ka gaysan kartaba in si deg-deg ah wax looga qabto xaalada xabsigaasi โWaxaa ka jira xabsiga dhexe ee Burco xaalad biniaadanimo oo ah in si deg-deg ah wax looga qabto oo loogu gurmado, waxaa kale oo aanu baaqa ku darnay Hayโadaha kale ee sama falka iyo ganacsatada iyo cid kastaaba in ay iyaguna ka qayb galaan oo dhismeheeda laga wada qayb hawl galo dhul badana wuu haystaa oo laga dhisi karo mid cusub.โ Sidaa ayuu yidhi Md. Waabeeye.
Waxaanu Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; โWaxaa kale oo aanu la kulmi doonaa taliska guud ee ciidanka asluubta oo aanu iyagana u qori doono wixii hawshooda ah. Dumarka, caruurta iyo kuwa waalan cid kastaaba way ku jirtaa , waxaa loogu talo galay konton qof afar boqol ayaa imikana ku jira runtii qofkii arkaba wuu soo yaabayaa , Waxyaabaha kale ee aanu xabsigaasi ku soo aragnay waxaa ka mid ah waxaa ku jira shan iyo afartan qof oo dil u xidhan, shan iyo afartankaasi meesha ay ku xidhan yihiim ma ha meel hayn karaysa markaa waxaanu hayโadahan iyo wasaarada u siinay qoraalkan in ay muhiimada koowaad siiyaan, waxaa jira in la leeyahay waxaa Hargaysa laga dhisayaa xabsi labaad waxaanu leenahay in ay kaasi Burco horumariyaan.โ Ayuu yidhi Xilshibaan Waabeeye.