Waxa lawada dareemayaa in aay wax khaldanyihiinย waxaynu kawada dharagsanahaycadaaladdarada iyo maamulxumada baahsan markale waxan waayo aragnimo kakorodhsanay talaabooyinkii ay qaadeen xukuumadihii hore talaabooyinkaa maamul toosinta ahaa oon midna lagu guulaysan waxan xusi karnaa geeridii marxuum cigaal ka dib madaxwaynihii hore ee riyaale wuxuu qaadayย talaabo garsoorka lagu hagaaajinayo waxaanu bedelay dhamaan garsoorayaashii iyo kalkaaliyaashii wadankoo dhanย isla markaa wasaarada cadaaladu waxay magacawday oo bulshada rayidka ah laga soo qaatay garsoorayaal cusub nasiibdarese waxguul ah maykeenin cadaalad daradiina halkii bay ka sii socotay, waxaynu uga faiidaysanaynaa dhacdadaa in ayna dadwaynuhu helayn maamul wanaagsan oo horumar sinaan iyo cadaalad u horseeda ilaa iyo ay burburiyaan heshiiska aykula jiraan bahalaha u cadawga ah in lahelo maamul wanaagsanย macaamil xooglihi kadhexeeyo bahalahaas halista ahย lama yaqaano halka ay ka soo fakadeen ee lagu dhaqdayย inta badan waxay dadka ku dhibaan maamulka dawliga ah iyo dadwaynaha dhexdooda waxay cabsi galiyeen bulsho waynta Somaliland waxayna u daranyihiin dadka danyarta ah naafada iyo dadka jilicdasanย waxaan maqlaa oo an arkaa oohinta dadwaynaha waxanka warhayaa boqolaalka baqaha iyo warwarka uu ku abuuray waxan lakulmayย dadka uu dulmiyayย hantidoodiina uu ka qaatayย markale waxan lakulmay bulshada ay dhibta intaa leeg ku hayaanย oo macaamil wanaagsan la leh ma yaqaanaan bahalahaasi xuquuqda aadamahaย mana yaqaanaan xaq iyo baadilย mararbadan ayay xukuumadihii Somaliland soomaray iyo xukuumadan talada haysaaba isku dayeen in ay burburiyaan hishiiskaa dhexmaray iyo bahalahaย inkastoyna ku adkaysan go,ankaasย hadana waxa markasta difaaca ee gaadhka ka ahiย waa dadwaynahaย bahalaha cadawga u ah maamulwanaagsan oo la helo waxa afย yaqaan dadka dhaqaalaha iyo magacyada laxurmeeyo kaga jira dabaqada sare iyo ta dhexeย danyarta naafada iyo dadka jilicdasan ma afyaqaanaan balse hishiiskii dhexmaray dadwaynaha iyo cadawga mamul wanaagaย waxayย ku lahaayeen hishiis iyo saxeexyo,sobobtoo ah waxay ku taamayaan in ay afgaranlahayeen hadii ayku noolaanlahayeen dabaqada dhexe iyo ta sareย ee mabdi,iyan waa ka raali in ay la macaamilaan cadawga maamulwanaaga
Heshiiskii dhexmaray midka mid ah cadawga in ay dadwaynuhu helaan maamul ku dhisan caqiidada islaamka oo xurmeeya shuruucda dawliga ah oo xanaaneeya bulshada uu xukumo wuxuu heshiiskaasi soo taxnaa qarniyoย badan waxanan ka dhaxalay awoowyasheen waxana uu sigaar ah ula dagaalamaa midnimadaย isku duubnida iyo waxwada qabsiga wuxuu ka awoodbatay diinta iyo wadaniyada balse waqtigan aynu joogno,awoodiisii waywiiqantay oo sidii uu waayo ahaanjiray ma. Aha waxanan cadayn uga dhigayaa danyarta naafada iyo dadka jilicdasan ayaan ku helin gargaar iyo gurmad waana bahalka koowaad waana qabiilka bahalkaasi waxuu ku tamariyaa waqtigan manta aan joogno oo gargaarkiisa ugu badan ufidiyaa dadka nololahaan dabaqada sare iyo ta dhexe ku jira sobobta oo ah waxay awoodaan in ay iska bixiyaan ujuurada ama mushaharka uu ku shaqeeyoย waana cadawga labaad ee ay dadwaynaha Somalilandย ay macaamilka xoogan la leeyihiinย wuxu u dhexeeyaa maamulka dawlada,heerkuu doonaba hajoogee iyo dadwaynaha wuxuu noqday furaha milgaha maamulkaย lagu waxyeeleeyoย sharcigana lagaga leexiyo waxa laga aaminsanyahay in uu yahay furaha is afgarashadaย ladqabahaย xaalmastuurka iyo mustafaynta, waxana ka dhexsamaysmay halku dhegyo iyo hadalo duurxul ah oo laysku afgartoย waana cadawga koobaad ka hor jooga in ay helaan dadwaynuhuย maamul cadaalad iyo hurumar ku hogaamiyaย bal waxyar an idiinku iftiimiyo maansadan,
vย waanadaan libilaabay.
vย Afarlayda malaacine
vย Laas aan gudhaynbaan
vย Murtidii ka ladaabtoo
vย Maansadaydii labaad
vย Laaluushkaan faraciisiyo
vย Laamihiisa ku diidoo
vย Aqooni iiguma laabnee
vย Bahalkaa luqaddiisiyo
vย Lahjadiisa aqaanoo
vย Musuquu ku lamaanyoo
vย Laba weeyi xidhiidhoo
vย Lanbarkoodu midweeye
vย Maamulkuu lulujaayoo
vย Laxaadkuu ka dhantaaloo
vย Laangadhuu ka dhigaayoo
vย Laluushkaa bixintiisay
vย garsoorkii lagdameenoo
vย tamcaduu lugihiisiyo
vย lawga uu kaga duubaa
vย lafihii kala daadshoo
vย cadaaladii libinteeduu
vย lidigeeda ahaadoo
vย laaxinkuu galiyaan
vย cidi loodinkaraynoo
vย dhaqankuuna kalaaloo
vย asluubtuuna ka leexshoo
vย laali hoos uqodanbuu
vย gunta hoose ligaayoo
vย cid ma laaci karaysee
vย libaantii bulshadeenuu
vย laaluushkaa ka horjoogee
vย midigtaada ka laabo
Maansadaa sida mugga leh u iftiiminaysay dhibaatada iyo diliga uu baday dadwaynaha Somaliland iyo dawladaba ,sida taariikhdu xusaysoย waxaa hubaal ah in milgaha dhaqahka umada Somaliland uu xor iyo xalaal ka ahaa macaamilka iyo heshiiska laaluushka ,bahalkani waxa uu ka mid yahay cudurada aan ka dhaxalnay ama ay inna dhaxalsiisay guuldarradii xornimadii lixdankiiย iyo dhicii ,dilkii,iyo ku tumashadii xiquuqda Aadamaha eeย aynu kala kulanay xukuumadii kali taliska ahayd ee SIYAADย BARRE waxayse is waydiintu tahay mala gaadhay wakhtigii laga gaashaaman lahaa macaamilka laaluushka oo ah Aabaha sharka)waxaan qabaa in aan wali la gaadhin waqtigii laga gaashaman lahaa sobobtoo ah hishiiskaa waxaa loo jidiidiyay mudadan aynu dimuquraadiyada qaadanany waxaanu noqday oo laisku afgartay in uu macaamilkiisu iyo suuqiisuba xaami noqdo hadii aynu halkaa ku dhaafno cadawga saddexaad ee hadii aynu heshiiska aynu la galay dawlad iyo dadwaynabaย oo hadii aan heshiiskaa laga bixin ay adkaan doonto jiritaanka dawladan curdinka ah een aqoonsiga ka helin beesha caalamka cadwgaasi oo ah musuqmaasuqa oo aynu ka wada war hayno isku daygii ay xukuumadaniย siiraanyo isku dayday in ay la dagaalanto musuqmaasuqa iyo hiilkii ay ka la horyimaadeenย qaybaha kala duwan ee bulshadu siiba madax dhaqameedku Kuwaas oo sida fiinta uga qaylyay baadhitaankii hayada hanti dhawrka guud ku samaysayย dawladaha hoose ee magaalooyinka gabilay,hargaysa,iyo burco waxana maragcad u ah heshiiska ay dadwaynaha soomaliland la galeen cadawga saddexaad ee hortaagan in la helo maamul wanaagsanย bal waxyar aynu dul istaagno maansadan sida nuga leh u iftiiminaysa heshiiska ay dawlad iyo dadwaynaba ayku yihiin musuqmaasuqa
vย bahalkaa musuqmaasuq
vย dadbaa maali yaqaanoo
vย muftaaxiisa heloo
vย majo jiifta noqdoo
vย ninka guusha uraadshoo
vย macalimiina u doontoo
vย nusixiriinta la sheegiyo
vย ma diidooyin yaqaanoo
vย sharcigoo la mulaaqiyo
vย mugdigay ka helaanoo
vย mabsuud ay ku noqdaan
vย maalintaa fatashaadiyo
vย loo maleego xisaabtana
vย marmarsiiyo ma waayo
vย qabiilbaa magantiiya
vย madaxdii dhaqankeenaa
vย xaalmastuurka bilawdoo
vย waa qareen magac waynloo
vย maslaxaada damiinkiyo
vย mustafaynata ma waydo
Dhacdooyinkaa kor ku xusan ee xaqiiqda ku qotoma waxay ina tusayaan in xukuumadihii kala danbeeyayย aan lagu canaan Karin lagulana xisaabtami Karin inla helo maamul wanaagsanย oo cadaalad iyo sinaan bulshadaย u horseeda maadaama ay dadwaynaha soomaliland difaac ugu jiraan musuqmaasuqa xukuumada madaxwayne siiraanyo iyo kuwii ka horeeyayba ee dhaliisha u wayn ee ay ka siman yihiin waa wacyi galin la aanta aanay bulshada ka wacyi galin aafada musuqmaasuqa marlabaad wax yar aynu dul istaagno tuducyo ka mida maansadii musuqmaasuqa
vย bahalkaa musuqmaasuq
vย dawladaha muga waynlee
vย micidoodu adkaatay
vย malagbuu ku noqdaayoo
vย bangiyada maalku ka buuxana
vย musalafbuu ka dhigaayoo
vย makhalkuu gudhiyaa
vย qasnaduu madhiyaa
vย macaluusha warkeedana
vย markhaatuu ka yahoo
vย mawjaduu kiciyaa
vย mashaakilbaa ka abuurma
sida aynu wada ogsoonahay maamulka dawliga ah iyo dadwaynaha Somaliland waxaysi wayn u wadaagaan ka raali ahaanshaha jiritaanka musuqmaasusqa isagoo ay marwalbana la ildaran yihiin kana ooyayaan dhibaatooyinka uu sababo iyadoon marnaba masuuliyada jiritaanka musuqmaasuqa dusha laga saari karin dawlada oo kaliya maadaama nidaamkan dalkeenu ku dhaqmaa uu yahay nidaamka dimuqraadiga ee maamulka dawliga ahi dadwaynaha ka dhexyimaado marsadexaad bal waxyar aynu duljoogsano maansadii musuqmaasuqa
vย bahalkaa musuqmaasuq
vย maamulkii unuglaada
vย dagaalkiisa ka maagay
vย mididiisu dhaxqaado
vย madfacaan la arkayniyo
vย miino weeyi qarsoonoo
vย maruunbay qaraxdaa
vย bahalkaa musuqmaasuq
vย maamulkii ku shaqeeya
vย maraan aan la fahmayniyo
vย maqaarsaarka la sheegiyo
vย madluun buu ka dhigaayoo
vย hadalkiisa mugiisu
vย macna buuran mayeesho
vย bahalkaa musuqmaasuq
vย muwaadinkii ku shaqeeya
vย maafiyuu ka dhigaayoo
vย mukhaadaraadka la quutiyo
vย macsiduu badsadaa
vย boqolaal miyirbeelaan
vย magdhawgoodii udoonoo
vย balana waan u mudeeyay
vย bahalkaa musuqmaasuq
vย garsoorkuu murgiyoo
vย xaqa wuu malmaloo
vย murankuu sabobaayoo
vย masiibo weeyi qarsoon
inkasta oo xukuumadan madaxwaynne siiraanyo ku talaabsatay dadaai xoogan lana odhan karo kumay adkaysan goaankeeda waxay manta taagan tahay faanoole fari kama qodna oo wali hoos umay dayin musuq maasuqa aafeeyay mucaawinooyinka hayadaha caalamigi ay bixiyaan bal dib aynu ugu noqono maansadii musuq maasuqa
- bahalkaa musuq maasuq
- dadbaa maali yaqaanoo
muftaaxiisa heloo
majo jiifta noqdoo
masaakiinta xaqoodiyo
maatiday ladegoonoo
mishiino beero waraabshiyo
madaraqii dhul qodaalkiyo
majadaan ka badbaadin
mushtarbay ka noqdeenoo
macaashbay ka hellaan
Hadii aynu halkaa ku dhaafno cadawga sadexaad ee inaga hortaagan in aynu helo maamul wanaagsan aynu u gudubno bahalka afraad ee isaguna inaga hortaaganย in la helo maamul cadaalad iyo sinaan ku shaqeeya xogtan aan soo ururshay waxay iftiimisay in uu yahay xurmayn la aanta sharciga iyo ku dhaqan la aanta xeerarka iyo shuruucda dawlig a ah waxana qayb wayn ka qaataย in lagu dhaqmi waayo oo la xurmayn waayo shuruucdii aan dhiganayย bahalahaa aan kor kaga soo shekaynayย bahalkan afraadseย lama wadaagaan dadwaynuhu dhaliishiisa ee xukuumada kolba joogta ayaa dhaliishiisa dhabarka ku qaadan ayasa sobabta oo ah xukuumada iyadaa loo doortay in ay fuliso shuruucda aysoo ansixiyaan golayaasha sharci dajintu xogtani waxay daaha ka qaadaysaaย hirdankaย iyo is garbinta ka marwalba u dhaxaysa laba masuul oo digreeto lagu soo magacaabayย markale xogtani waxay daaha ka qaaday hirdanka u dhexeeya laba hayadood oo xukuumadan madaxwayne siiraanyoย ka wada tirsan waxanan markhaati cad u ah xeer ilaalinta guud iyo hanti dhawraha guud hayadahaasi oo si caga jiid ah u wada shaqeeya markale waxa xusid mudan wasiir iyo agaasimihii wasaaradaasi oo wax kale jiidanaya oo hirdan iyo guux hoose uu markasta ka dhaxeeyo waxa xusid mudan wada shaqayn la aanta hayadaha iyo wasaaradaha ay shaqadoodu kulmayso taasoo marag cad u ah in laga duulo hadafย isku mida iyo dariiq kaliya isku soo wada duubuu waxaynu wada ognahay in ay jiraan shuroocdaย kala xadayn aysa maamulka dawliga ah iyo qodobada qeexaya awoodaha iyo kala saraynta maamulka dawliga ah iyo wada shaqaytooda waxayse iswaydiintu tahay maxaa keena marwalba muranka iyo wax kala jiidashada masuuliyiinta dawlada ee gaadha heer ay saxaafadu bogoga hore ku qorto xogtani waxay si baaxadlleh uxaqiijisay kudhaqan laaata iyo xurmayn laanta shuruucda dawliga ah taasoo ah mid saamayn balaadhan ku leh halka ugu saraysa ilaa halka ugu hoosaysa
ย iydoo saamayn balaadhan ku lee yihiin sadexda cadow een kor kusoo xusnayย bal waxyar aan dul joogsano maansadan sida qotada dheer u iftiiminaysa xurmayn la,aanta shuruucda dalka iyo dhaqan galin la,aanta iyada oo si gaara u baraarujinaysa qaybaha kala duwan ee bulshada quba jooga iyo qodaal joogaba
vย Xiniinyoole gabigiis
vย Qurba joog xariiriya
vย Xidhiidhadaย aduunkiyo
vย Xirfad iyo aqoonliyo
vย Xaafidiinta diintiyo
vย Xadro joog duceeyiyo
vย Gidi xaafad joogtiyo
vย Xaawalay haweeniyo
vย Xeer beegti talisoo
vย Dhaqan lagu xushmeeyiyo
vย Xoogsatada dalkeeniyo
vย Inta xaynta raacdiyo
vย Xoolo dhaqatadeeniyo
vย Xiiisadii abwaankiyo
vย Murti xiiso galisaan
vย Xaraf -xaraf u deeqsiin
vย Xogtan maanta aan qoray
vย Xikmad weeyi culusoo
vย Daacad loo xambaarshoo
vย Xeerย beegti sheegoo
vย Xaqiiqday ku qotantaa
vย Dhaqankaan xigtaystoo
vย Xogtan baadi doonkeed
vย Qalin lagu xariiqiyo
vย Xaashibaan u qaatoo
vย Kuwa fulinta loo xulay
vย Wasiirada xildoonka ah
vย Xafiisyada dhamaantood
vย Xubin xubin u marayoo
vย Xarfihii distoorkiyo
vย Xeerarkii dalkeenaa
vย Xurmadoodii waayoo
vย Xarumaha garsoorkaan
vย Xeradooda booqdoo
vย Xaalkooga baadhoo
vย Xukunaan dhagaystoo
vย Xaakimyaan waraystoo
vย Xubintii garsoorkoo
vย Gacmahoodu xoodmeen
vย Xagleheed qaloocdeen
vย Xajiinbaan korkeediyo
vย Xuub adag samaystoo
vย Xanafย baan arkaayoo
vย Xaqย ย ย ย ย ย ย ย soorbaan ka waayoo
vย Bahalahaan xusaayaa
vย Xirfadoodu noqotoo
vย Xaadhintooda weeyaan
vย Sharci lama xurmeeyoo
vย Xulafay noqdeenoo
vย Xiisaha dhexdoodaan
vย Xoogiisaย ย yaabee
vย Xaalkani siduu yahay
Mudadii aan ku jiray xogtan xaqiiqo raadiska ha waxa aan ku ogaaday in aanay bulshada qaybaheeda kala duwan aanay xil iska saarin xog ogaalna aanay u ahyn dhaqan galin la,aantaย shuruucda dawliga ah dhamaan dad waynaha somalilandna waxay si wayn walaac iyo war war iyoย cabasho joogta ah uga keenaan maamulka dawliga ah bal wax yar aan ka taabano maansadii xurmo.
vย Dad waynuhu xagiisii
vย Wali muu xisaabtamin
vย Xayn daabka garashada
vย Xigaalkeeda muu noqon
vย Xalka waxay ka raadshaan
vย Ayaa xumaantoo dhan keenoo
vย Xeerarkii dalkoodii
vย Xurfadbay ย ku tureen
vย Xoolay ku bixiyaan
vย Xaalal bay barteenoo
Run ahaantii waxaa meesha aan ka madhnayn oo aan xogogaal unahay xurmayn la aanta ay ubadheedhaan dhaqan galin la aanta ย xeer hoosaadka ee ay caadaysteen xisbiyada siyaasadu wxaa si xoogleh uiftiiminaysa maansadii xurmo
vย Xisbiyada dalkeenan
vย Ragbaa xero ku ootoo
vย Kootay ku xidheenoo
vย Xaafadaana sheegtoo
vย Ka xayuubshay sharaftoo
vย Xiligay qarxaysiyo
vย xagaabaynuย joognaa
vย kulmiyanaย xantiisii
vย xadantadaย warkiisiyo
vย xurgufbaa dhex taaloo
vย xafiiltankiisaย murankiyo
vย xawaaray ku socotaa
vย xamxamtooda hoosana
vย xalaybaan ku joogsaday
vย xiina waana maqlaayoo
vย xaadhintaanย ku noolahay
vย xuunbayย wakiisheen
vย xanaaqiisu badan yahay
vย xajiimaale weeyoo
vย runta kama xantaystee
vย xisbi xaakimkeenee
vย xaabo dhoosh ka yeeloo
vย xarna wuu dhex qaadoo
vย xarsho weeyi kala hadhin
vย umaduna xor weeyoo
vย ururkii xanaanshay
vย iyaguna xanaanayn
vย xertii waayo talisiyo
vย udubtiyoย xagoodii
vย xirfadooda laga waa
vย xulufadoodii loo baqay
vย xina wuu dhex yaalaa
vย xaaladoodu adakaa
vย xisaabtooda lama galin
maqaalkan waxaa isku soo duba riday suxufiga hal abuurka ah
abwaan : sacad maxamuud gadhleย gabiley soomaali land
Mobย :ย (002522) 4669910