Agaasimaha Warfaafinta oo ka hadlay Khilaafka ka dhexjira Masuuliyiinta Wasaaraddaas

0

Hargeysa (SLpost)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland ย Cabdirashiid Jibriil Yuusuf , ayaa maanta ka warbixiyey rakibada idaacadda weyn oo gebogebo maraysa.Isla markaan warbixintiisa ku daray arrimo kale oo ku saabsan dhinaca maamulka ee wasaaradda.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay inuu hadda soo gabgeboobay wejigii labaad ee idaacadda oo ah qaybqatay war- laliyaha, xilligan lagu guddo jiro isku xidhka qaybaha studiyaasha. Waxaanu agaasimuhu rejo wacan ka muujiyey inay hawshaasi ku soo gebagaboowdo si dhakhso ah oo ay hawda geli doonta ย dhawaan idaacdo.

Sidoo kale, agaasimaha oo ka hadlayey warar ay maalmahan-ba saxaafadda dalku tabinaysay ayaa sheegay in haba yaraate aanu jirin wax khilaaf ah u dhexeeya masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta wadashaqantooduna u socoto si habsami ah.

Agaasimuhu waxa kale oo u sheegay in arrinta ku saabsan agaasimaha maamulka ee waaxda TV-ga qaranka oo dalab ka yimi hanta-dhowrka qaranka looga joojiyey inuu yimaado xarunta wasaarada ay tahay mid ku saabsan dhinaca baadhitaanka uu hanta-dhowrku kuwado xafiiska Agaasimahaas, waxaanu agaasimuhu ย warbixintaasi ku xusay in aanay jirtin ujeedo gaar ah talaabadda laga qaaday agaasimaha maamulka ee waaxda Tv-ga qaranka Md Xasan Maxamuud Muxumed.