Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shaacisay goβaan ay ruqsadaha sharci ee ay ku shaqeeyaan kagala noqotay qaar ka mid ah Nootaayooyinka ka hawl-galka magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Goβaankan ayaa lagu shaaciyey Warqad ku taariikheysan Sabtida maanta oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Md Saleebaan Warsame Guuleed, taas oo lagu socodsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maayirrada Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo masuuliyiinta hayβadaha kale ee goβaankani khuseeyo.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo goβaankiisa u cuskaday qodobka 7aad ee xeerka nootaayooyinka ee Xr. Lr/18/2001, waxa uu laalay ruqsadaha ay ku shaqeeyaan Shan Nootaayo oo xafiisyadoodu ku yaallaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Nootaayooyinka ruqsadaha lagala noqday ayaa magacyadoodu kala yihiin Tubsan, Odowaa, Maahir iyo Itifaaq oo ku yaalla Hargeysa iyo Nootaayada Rasmi oo ku taalla Magaalada Burco.
Nootaayooyinka ayaa ah xafiisyo sharci ahaan diiwaangeliya heshiisyada ay galaan dadka shacabka ah.
Warqadda Hoose kaga bogo Goβaanka Xukuumaddu Ruqsadaha Kala Noqday Shanta Nootaayo.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net