Turkiga iyo Soomaaliya oo kala Saxeexday Heshiis Shidaal-baadhis ah

0

Ankara (SLpost) – Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Khamiista maanta kala saxeexday heshiis shidaal-baadhis iyo qodis ah, kaas oo ujeeddadiisa lagu sheegay sii xoojinta xidhiidhka labada dal ka dib markii ay bishii hore wada-galeen heshiis dhinaca difaaca ah.

Heshiiska ayaa suurta-galinaya in Dowladda Turkigu baadhitaan ku samayso kaydka shidaalka ku jira biyaha badda ee Soomaaliya oo aan wax baadhitaan ah lagu samaynin tan markii uu burburay nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya horaantii 1990-maadkii.

Heshiiska oo sidoo kale uu ku jiro sahaminta Shidaalka dhulka, waxa magaalada Istanbul ku saxeexay Wasiirka Tamarta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Talaabadan labada waddan xoojiyeen Xidhiidhka ka dhexeeya ayaa ka dambaysay ka dib markii Dowladda Itoobiya heshiis is-afgarad la gashay Jamhuuriyadda Somaliland bishii January, waxaanu heshiishkani Xukuumadda Addis Ababa u oggolaanayaa inay hesho saldhig ciidamadeeda baddu ka hawl-galaan, halka Somaliland fursad u helayso inay Ethiopia noqoto dalkii u horreeyey ee Aqoonsada madax-bannaanideeda.

Markabka Shidaalka Lagu Baadho ee Turkey

Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa qayla-dhaan Soomaaliya u dirsatay, ayaa bishii hore Xukuumadda Muqdisho la gashay heshiis dhameystiran oo difaaca badda ah, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo Dowladda Turkiga ku waajibinaysa inay biyaha badda Soomaaliya ka difaacdo argagixisada, budhcad-badeedda iyo khatar kasta oo dibadda kaga timaadda muddo 10 sanno ah.

Heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu awood u siinayo Turkiga inuu ganacsi ahaan uga faa’idaysto kheyraadka badda Soomaaliya, taasoo ka dhigan inay Xukuumadda Ankara dowladaha shisheeye heshiis kula gali karto inay ka kalluumaystaan biyaha badda ee Soomaaliya.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net