βDeeqda agabkan caafimaad waxay wax weyn ka tari-doonta baahiyaha caafimaad ee ka jira xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee Gobolka HAWDβ Mohamed Abdi Doorshaan.
Hargeysa (SLpost)- Hayβada waddaniga ee SOFHA oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka ayaa agab caafimaad iyo dawooyin ku wareejisay Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse.
Munaasibadii loo sameeyey wareejinta deeqda qalabka caafimaadka oo lagu qabtay maanta xarunta hayβada SOFHA ku leedahay Magaalada Hargeysa.
Maxamed Cabdi Doorshaan oo ka mida saraakiisha sar sare ee Hayβada SOFHA oo ku hadlayay af-ka hayβada ayaa sheegay inay agab caafimaad iyo dawooyin uu ku wareejiyay isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse, taas oo wax weyn ka tari doonta baahida caafimaad eek a jirta Gobolka HAWD. βDeeqda agabkan caafimaad waxay wax weyn ka tari doonta baahiyaha caafimaad ee ka jira xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee tuulooyinka GUMBURAHA, Ina-CUNAAYE, iyo GUMAR,β.ayuu yidhi.
Mr Doorshaan waxa uu sheegay inay hayβada Waddaniga ee SOFHA oo kaashanaysa hayβada Plan International inay mashruuc caafimaad ka waddo gobolka HAWD iyo maroodi-jeex, maaha markii kowaad ee agabkan caafimad oo kale ku wareejino gobolka HAWD, balse marar hore ayaanu deeqo caafimaad ku wareejinay.
Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse ayaa waxa uu hayβada Waddaniga ee SOFHA uga mahad-celiyay agabka caafimaad iyo dawooyinka ee ay ku wareejisay iyo sida dhow ee ay ula shaqeyso, waxaanu yidhi βWaxaan saaka oo taariihdu tahay 5.3.2024 ay hayβda waddaniga SOFHA ay igu wareejisay dawo iyo qalabka lagu nadiifiyo Agabka lagaga shaqeeyo dhalitaanka hooyada.Waxaanay deeqdan qalabka caafimaad ay hayβada SOFHA ugu talo-gashay saddex xarumood oo ka mida xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee tuulooyinka GUMBURAHA, Ina-CUNAAYE, iyo GUMAR.β
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, βHayβda SOFHA waxay had iyo goor ka jawaabta baahida goobahaa Caafimaadka ee ku yaala gobolka HAWD,maaha markii ugu horeysay ee ay agab caafimaad ay ugu deeqdo xanaanooyinka (MCH) ku yaala Gobolka HAWD, oo si fiican ayay noola shaqeysaaβ
Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse ayaa si fir-fircoon ugu adeega gobolka HAWD, isla markaana waxa uu al-baab walba u garaaca sidii xanaanooyinka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka ee gobolka HAWD u heli lahaayeen agab caafimaad iyo dawooyin bulshada wax loogu qabto, waxaanu ugu baaqaya hayβadaha kale-na inay baahiyaha caafimaad ee ka jira gobolka inay wax kala qabtaan.