Dowladda Djibouti Oo Caddeysay Mowqifkeeda ku Wejahan Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia

0

Djibouti (SLpost)- Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay heshiiska is-afgarad ee dhexmaray doiwlaha Somaliland iyo Ethiopia oo ay gebi ahaanba ka gaab-satay ka-hadalkiisa.

Afhayeenka madaxtooyada Jabuuti, Daa’uud Hummad, oo la hadlay warbaahinta RFI oo dalka Faransiiska laga leeyahay, ayaa soo bandhigay doorka ay dowladdiisa ka qaadan karto arrintan oo xusay inay tallaabo dublomaasiyeed kaga qayb-qaadanayaan.

β€œJamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisadda dheeraadkaa ah ee ka soo cusboonaatay mandaqada Geeska Afrika oo horay u soo martay xiisado soo noq-noqday. Mushkiladda Soomaalidu waxay qusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin karno arrimahooda,” ayuu Daa’uud Humma u sheegay warbaahinta RFI oo aanu warkan ka soo xigannay.

β€œWaxa aan daacad ka nahay mowqifkayaga diblomaasiyadeed ee khuseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka Geeska Afrika”, ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, β€œJamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa oo taladayadu tahay in si Soomalinimo loo dhameeyo mushkiladda.”

β€œXilligan Jabuuti waxay haysaa madaxnimada meertada ee urur-goboleedka IGAD, annagoo hore dhex dhexaadin uga sameynay dhibaatada ka taagan Suudaan, ka dibna Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada dalka Jabuuti, waxaanu intaas raaciyey, β€œDalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibraddiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso.”

Somalilandpost Media Inc.