Wararkii u dambeeyey Dhulgariir Ku Dhuftay iyo Roobab Fatahaado sababay Oo Ka Da’ay Djibouti

0

Djibouti (SLpost)- Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4.7 ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku dhuftay dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti oo xaqiijisay dhulgariirka ayaa sheegtay in dhulgariirku dhacay abaaro 4:22 subaxnimo ee wakhiga Bariga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa sheegay in 7-dii subaxnimadii ee Khamiista laga dareemay dalkaas Dhul-gariir kale oo kii hore awood yar, kaas oo la filayo inuu ka dhacay gacanka Cadmeed.

“Ilaa 7dii subaxnimo, waxaanu dareemey laba dhul-gariir oo kaa wood yar kii hore. Xudunta dhulgariirku waxay 18km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay gacanka Tadjourah,” sidaasi waxa yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Djibouti Maxamuud Cali Yuuuf oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhulgariirka.

Goobta dhulgariirku ka dhacay ah badda dhexdeeda, ayaa masaafo 3.5km dhinaca Woqooyi-bari kaga beegan caasimadda Jabuuti.

Dhul-gariir labaad oo cabbirkiisa lagu qiyaasay 4.6 ayaa ka dhacay badda dhexdeeda oo masaafo ahaan 9km u jirta caasimadda Jabuuti.

Dhul-gariirka ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemay magaalooyinka Cadan iyo Taiz ee dalka Yemen.

Dhanka kale, waxa dalka Jabuuti maanta gelinkii ka da’ay roobab fatahaado sababay. Roobanka oo dufaanno watay, ayaa la rumaysan yahay inay ka dhasheen dhul-gariirka ku dhuftay xeebaha dalkaa.

Ma Jiro wax khasaare nafeed ah oo la soo wariyey inay roobabku sababeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net