Hargeysa (SLpost) – Maxakamada sare ee Somaliland ayaa maanta soo saartay goโaankii dacwadda xisbiga UCID ee muddada badan la sugayay taas oo u dhaxaysay labadii garab ee Xisbiga Aadan Waqaf iyo Faysal Cali Waraabe.
Gudoomiyaha Maxakamada sare Yusuf Ismacil Cali oo goโaanka ka hor akhriyay garabyada dacwadu u dhaxaysay ayaa sheegay in la laalay dhammaan dacwadaha ay soo gudbiyeen labada garab, isla markaana Xisbiga UCID uu guddoomiye ka sii ahaanayo Faysal Cali Waraabe ilaa iyo inta Shirweynaha Xisbiga lagu qaban-qaabinayo muddo saddex bilood ah.
Madasha maxkamadda ee laga akhriyey goโaanka waxa sugnaa dhamaan labada garab, inkastoo Faysal Cali Waraabe aanu mar qudha kasoo xaadirin fadhiyadii kala duwanaa ee Maxakamada
Muddo kadib ku-dhawaaqistii goโaanka maxkamadda ayay garabka Aadan Mire Waqaf ku dhawaaqeen in aanay ku qanacsanayn goโaanka, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay furtaan urur siyaasadeed cusub.
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net