
Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa hambalyo iyo boogaadin u diray Ciyaaryahanka weyn ee Maxamed Faarax guushiisa uu xalay ku hantay Biladdii labaad ee Dahabka ahayd ee orodka 5,000 ee Ciyaaraha Olympic ada ee ka socda London.
Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Daahir Cukuse, waxaanu madaxweynuhu ugu baaqay dhalinyarada Somaliland inay ka fogaadaan isticmaalka Balwadaha isla markaana ay ku daydaan Maxamed Faarax iyo Guusha uu ka gaadhay dedaalkiisa.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran, ayaa u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu hamlayo iyo boogaadin u dirayaa Ciyaaryahanka weyn ee Mo Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Dawlada Ingiriiskaba isaga oo caawa ku guulaystay Biladii labaad ee Dahabka ahayd ee Tartanka Ciyaaraha Olympic- ada ee ka socda London.
Madaxweynuhu waxa uu ku boogaadiyey Mo Faarax guushaa caalamiga ah iyo magacaa uu u soo hooyey naftiisa, Dalkiisa iyo dadkiisaba waxaanu ilaahay uga rajeeyey inuu adkaysto Guushan, guulo ka badana gaadha.
Madaxweynuhu waxa uu dhalin yarada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan Balwadaha iyo waxkasta oo wakhtiga ka luminaya kuna daydaan Moh faarax.”
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net