Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Oo Maxkamadda Sare u Gudbiyey Dacwad Liddi Ku ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

0

Maxkamadda Sare oo Golaha Wakiillada iyo Guddoomiye Khaliif u gudbiyey Nuxurka Dacwaddan

Hargeysa (SLpost)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa toddobadkan Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyay dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo Baxay Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyey arji xambaarsan dacwad oogis Dastuur jabin ah oo liddi ku ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo lagu eedeyey inuu ku kacay khiyaamo Qaran.

Dacwadda ka dhanka ah Guddoomiye Khaliif oo ku taariikheyrsan 01/06/2023-ka, ayaa soo gaadhay maxkamadda Sare oo gal-dacwadeedkan qabatay Axaddii toddobaadkan oo ku beegnayd 04/06/2023-ka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Maxkamadda Sare oo raacaysa hab-raaca sharci ee dalka, waxa ay Maxkamadda Dastuuriga ahi Salaasada maanta soo saartay Qoraal ay ku socodsiisay Golaha Wakiillada dacwadda Dastuuriga ah oo sumadeedu tahay MS/GD/02/2023 taas ku liddi ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u dirtay nuqul ka mid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaas oo maxkamaddu kaga uu kaga dalbatay inuu kaga soo jawaabo Muddo toddoba maalmood ah oo ka bilaabmaya taariikhda maanta 06/06/2023 ilaa 13/06/2023.

Dacwaddan laga gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Golaha Wakiillada, ayaa salka ku haysa dastuur-jabin maadaama uu ka soo horjeesay Qaranimada Somaliland kaddib markii uu Guddoomiye Khaliif taageeray go’aamo liddi ku ah Qaranimada oo ka soo baxay Garaaddada Beesha Dhulbahante oo ku shiray magaalada Laascaanood.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa hormood ka ah dagaal khasaare naf iyo maal ka dhashay oo gobolka Sool ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaadka Huwanta ah ee isku urursaday magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net