Hargeysa (SLpost)- War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa lagu dalka lagaga mabnuucay isticmaalka barnaamijka Khamaarka ee 1XBET oo lagu tilmaamay inuu la mid yahay Barnaamij la magac-baxay ‘Jiif-oo-Jaq’ oo sannado ka hor lagu dhacay Shacabka Somaliland.
Barnaamijka 1XBET ayaa ah Khamaar Qofku lacagtiisa ku heli karo ama ku waayi karo lacag kale, waxaana inta badan fududeeya Adeegga Isu-xawilaadda lacagaha ee telefoonada Gacanta.
Shirka 1XBET Oo ah shirkad caalami ah balse si tuugo ah uga shaqaysa caalamka, isla markaana aan lahayn Xarun Guud iyo Cid loo tixraaco, ayaa xafiis ku leh magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugan yihiin Wakiillo Soomaali ah oo lacag khidmad ah ku leh lacagaha Khamaarka ah ee Dadku dhiganayaan ama kala-baxayaan, waxaana Qofka Khamaarka dhiganaya ee doonaya inuu ciyaaro looga baahan yahay Inuu Xaddi Lacageed Oo Dollar ah u Diro Lambar Telefoon oo ay Leeyihiiin Wakiillada Shirkaddan 1XBET ama nidaamka isu xawilidda Bangiyada, kuwaas Oo Lacagta ku wareejiya Accoun-ka Qofka Khamaarka ciyaarayaa ku leeyahay ciwaankiisa 1XBET.
Haddaba, war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa lagu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo Qof kasta oo lagu helo isticmaalka Barnaamijkan “Jiif-oo-Jaq” lagu sifeeyey.
War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-
Baanka dhexe wuxuu goaankan ku wargeliyey shacabka Somaliland oo looga digay iyo shirkadaha bixiya adeegga maaliyadda, ciidanka Booliska Somaliland, wasaaradda Diinta iyo awqaafta iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ka wada shaqaynayaan fulinta goaankan.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net